Shirkii Wadatashiga oo Furmay iyo Khudbadihii la jeediyay (Sawiro +Cod)

September 4, 2011 - Written by

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu furay shirkra wada tashiga ah oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay islamarkaana ka dhacaya Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho kaasi oo loogu yeeray dhaamaan Maamullada Dalka ka jira.

Khudbadihii Sh. Shariif, Faroole, Caalin & Gaas ee shirka wadatashiga Soomaaliya

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada ah shirkii wadatashiga Soomaaliya kaasi oo ay ka so qayb galeen wafuud ka socotey dawlada KMG Soomaaliya, Puntland, Galmudug, Ahlu Sunna, Qaramada midoobay, & goob jooga yaal kale.

Shirkan oo dib u dhac ku yimid xiligii la filayey in uu furmo ayaa dib u dhacay iyadoo la sugayey madaxweyneyaasha Galmudug & Puntland kuwaasi oo markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si toos ah u abaaray xarunta Baarlamanka KMG Soomaaliya oo uu shirku maanta ka dhacay.

Shirkan waxaa ka soo qayb galey Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ra’isalwasaaraha DKMG Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole, Madaxweynaha Galmudug Axmed Maxamed Caalin, wakiil ka socdey Ahlu Sunna Wal Jameeca, Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga, u qaybsanaha qaramada midoobay ee arimaha gargaarka Soomaaliya Mark Bowden, diblumaasiyiin ka socotey beesha caalamka, safiirada dalalka shisheeye ee fadhiya Muqdisho & qaar ka mid ah xubnaha golayaasha dawlada.

Ra’isalwasaare Cabdiwali Gaas

Shirkan waxaa ugu horey khubad ka jeediyey Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali oo ka hadley ajandeyaasha shirka waxaana uu ku sheegay afar qof oo kala ah.

1: Amaanka
2:Dawlad wanaaga
3:Dib u heshiisiinta
4:Dhameystirka dastuurka dalka.

Cabdiwali Gaas ayaa ku nuuxnuuxsadey in xukuumada heysato fursad hal sano ah oo ay wax kaga qaban karto arimahaasi oo dhan,  isagoo ku guubaabiyay ummadda Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dalka iyo dadka.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in sidoo kale shirka lagu soo qaadi doono arimaha gargaarka waxaana u sheegay la dhisay hay’ad qaabilsan maareeynta hawlaha masiibooyinka.

Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya [audio:http://taleex.net/wp-content/uploads/2011/09/Riix-Halkaan-Si-aad-u-Dhageeysato-Khudbadda-Madaxweynaha-ee-shirka-1.mp3|titles=Riix-Halkaan-Si-aad-u-Dhageeysato-Khudbadda-Madaxweynaha-ee-shirka (1)]

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taavabaysa shirka ka jeediyey ayaa ugu horeyn wuxuu u mahadceliyey ciidamada Dawlada KMG ah & kuwa AMISO oo uu sheegay inay Muqdisho ka xoreeyeen oo ay guul ka gaaraan sida hadalka uu u yiri madaxweynihii argagixisadii dalka ku soo duushay.

“Shirkan waxaan isagu nimid inagoo ka damqananeyna dhibaatada shacabka haysta, isla markaana masuuliyada ina saaran ay tahay mid ku saleysan qorshihii nabada ee soo bilowdey, waxaana qabaa in uu yahay shir muhiim ah oo ay tahay in dalka lagu hogaamiyo kala sooc la’aan & xoriyad” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si aad ah uga hadlay arrimaha abaaraha oo uu sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato sidii dadka Soomaaliyeed dhibaato looga saari lahaa oo dalka loo gaarsiin lahaa isku filnaansho, waxa uu sheegay in arrimaha abaaraha ay yihiin kuwa ugu horeeyay ee ay dowladda Soomaaliyeed ahmiyada siin doonto, isagoo hoosta ka xariiqay in ammaanka sidoo kale uu yahay mid lagama maarmaan ah oo la doonayo in laga wada shaqeeyo.

Madaxweynaha Puntland    [audio:http://taleex.net/wp-content/uploads/2011/09/Riix-Halkaan-Si-aad-U-Dhageeysato-Khudbad-Madaxweyne-Faroole.mp3|titles=Riix-Halkaan-Si-aad-U-Dhageeysato-Khudbad-Madaxweyne-Faroole]

Madaxweynaha Puntalnd C/raxmaan Shiikh Maxamuud (Faroole) ayaa isna Khudbad ka jeediyay kaddib furitaankii shirka wada tashiga ee maanta caasimada dalka ka furmay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dhammaan madaxda, ergada iyo wafuuda caalamiga ah ee ka soo qayb gashay shirka, intaasi kaddib ayuu sheegay in ay fursad weyn u tahay in uu ka soo qayb galo shirka ay isugu yimaadeen dhammaan Soomaalida waxa uu sheegay in lagu kasban karo fursadaan quluubta ummada Soomaaliyeed oo in muddo ah uu nijayd jab ka muuqaday.

Madaxweyne Faroole  ayaa tibaaxay ayaa sheegay in wax walbo lagu gaari karo midnimo iyo in ay gacmaha is qabsadaan dad Soomaaliyeed, isagoo sheegay in uu ka yimaada maamul dhisan in kastoo caqabado yar yar ay jiraan hadana waxa uu tilmaamay in Muqdisho uu doonayo in sidaa oo kale ay u dhisanto.

Madaxweynaha Galmudug     [audio:http://taleex.net/wp-content/uploads/2011/09/Riix-Halkaan-Si-aad-U-Dhageeysato-khudbadda-Caallin.mp3|titles=Riix-Halkaan-Si-aad-U-Dhageeysato-khudbadda-Caallin]

Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa isaguna khudbadiisa wuxuu ugu horeyn mahadcelin u jeediyey ka soo qayb galayaashii shirka, waxaana uu sidoo kale ka hadley amaanka magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay in uu yahay mid la iska kaashaday oo ay kaalin weyn ka qaateen AMISOM & ciidamada dawlada KMG ah.

Madaxweyne Caallin ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ka tirsan yahay dowladda Soomaaliya islamarkaana uu la qaybsanayo wax walbo oo wanaag ah waxa uu intaa raaciyay in maanta ay Soomaaliya haysato fursadii ugu qaalisaneed ee muddo labaatan sano ah soo marta taasi oo uu sheegay in ay ku soo aaday xilli dalka uu u baahan yahay in loo wada istaago sidii looga samata bixin lahaa mushkilada uu muddada ku jiray.

Col. Caalin ayaa sheegay in looga baahan yahay madaxda Soomaaliyeed ay ka gudbaan in inta shir la isagu yimaado oo la is dhunkado hadana qori la cabeysto marka shirarku ay dhamaadaan taasi oo uu sheegay in ay tahay mid waqti dhumis ah oo aan wax isbadal ah laheyn, waxaana uu sheegay in gobolada dalka ay ka jirto dhibaato xaaluf ugaarta, dadkii oo dhibaato loo geystey, waxaana uu muujiyey in cadaalad daradii burburka keentey loo bahaan yahay in la sameeyo.

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online