Taariikh ayaa Qormeysa.!! Sh Maxamed Idirs

September 26, 2011 - Written by

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Wasiirka DKMG u qaabilsan arrimaha Badda iyo Kalluunka ayaa halkan lagaga soo tebeyiyey inuu yiri: “Badda anigaa masuul ka ah, wax la iibsadeyna ma jiraan, heshiis la saxiixayna ma leh, badda in la xadeeyo uun ayuu ku qornaa sharcigaas. Badda hala xadeeyo waqtigeeda oo ah 19-ka December (2011), haddii waqtigaas ay suurtagal noo noqoto waa xadaynaynaa, haddii ay noo suurtageli weydona dib ayaan u dhiganaynaa. Su’aasha badda yaan la soo celin. Waxaad ku seexanaysaan qof kasta oo Soomaali ah in taako Soomaali leedahay aanan la bixinayn.”

Waxaan leeyahay Wasiirku isagoo raaliya wax lagu gam’o  ama lagu aamuso ma sheegin. Balse wuxuu dadka Soomaaliyeed kusii kiciyey ciilkii iyo hurgumadii haysey, wuxuuna ku biiray Liiska Taariikhda aan wacnayn ee Soomaalidu Qoraneyso oo aaney marna hilmaamayn, qof walbaana meesha uu is dhigo uu ka gelayo.

Waxaa Ummadda Soomaaliyeed la yaaban tahay, Masuuliinta DKMG ma wexeyan fahmi Karin waxa Muwaadinka Soomaaligaa ee Caadigaa ee aan Badaha iyo Qawaaniinta Adduunka toona ku takhasusin, Sidayada, uu fahmayo, mise waaney rabin iney fahmaan. ? Midda Kalena markii la weydiiyo arrimaha Badda Soomaaliyeed ee Muranka ay Gelisey DKMG ilaa iyo 2009 markii lasoo dhisay, Mexey Masuuliinta DKMG uga war wareegaan oo mawjada kale uga hadlaan?

Waxaan ku faraxsanahay Prof. Ibbi inuu ku soo biiro Difaaca Cusub ee Badda Soomaaliyeed. Waxaanan ugu baaqayaa dhammaan Masuuliinta DKMG iney ku xisaabtamaan Taariikhdu iney qoreyso qof walbaa meesha uu istaago. Waxaan mar kale ku celinayaa, Shacabka Soomaaliyeed wuu Guulaysanayaa Ilaahay Idankiis, Baddiisa iyo Berrigiisa, Noloshiisa iyo Sharaftiisa dhulka lagu jiidayana wuu difaacanayaa Rabbi Idankiis, Danihiisa Adduunyo iyo Aaakhirana wuu u tashanayaa. Shacabka Soomaaliyeed isagoo Caddaalada Ilaahay ku kalsoon wuxuu sugayaa maalin cid kasta oo ku xad gudubtey xuquuqdiisa uu arki doono iyadoo caddaaladda loo soo taagey goor ey noqotaba Ilaahay idankiis. Sidaa darted waxaan kula talinayaa dadka Siyaasadda Soomaaliya ku qamaamaya, una malaynaya inaan waxa dhacaya weligeed didb dambe laysaga imaanayn, taariikhda ha quruxsadaan, duruufaha dacfiga ummadda ee hadda jirana yey ku kadsoomin oo u malayn inaan la arkayn, haku cibra qaataan adduunka waxa ka dhacaya. Ilaahay wuxuu Kitaabkiisa Kariimka ah noogu sheegay:

{أفلم يسيروا في الأرض فتكون لهم قلوب يعقلون بها أو آذان يسمعون بها فإنها لا تعمى الأبصار ولكن تعمى القلوب التي في الصدور}

Macnuhuna wuxuu yahay ( Miyaaney Dhulka Marin oo aaney yeelan Qalbi ay wax ku gartaan, ama Dhega ay wax ku maqlaan, arag la’aantu maaha indha la’aan ee waa arag la’aanta Qalbiga).

Waxa dulmi ku dhacaya Soomaali, waxa shisheeye iyo sokeeyaba boobayo, iyagoo macaluul dhulka u daadsan, waxa xitaa kaalmada yare e loo keeno dadka dhimanaya la leexsado, ama suuqyada laga iibsado, Ilaahay kama qarsoona, laakiin maalin ayuu u dib dhigaa, kadibna adduunka ayaa lagu qabtaa aakhirana ka daran. Haddaan adduunka lagu qabanna aakhiraa lasoo istaajin. Shacbiga Soomaaliyeed Dulmi badan ayaa soo gaarey Ilaa iyo haddana ku socda. Waxa uu gaarey heer uu ka damqado xitaa dadkii shisheeyaha ka ahaa. Laakiin dareenkaasu dad badan oo Masuuliyad sheegta ayuu ka maqanyahay.

Annaga oo aan Badaha ku takhasusin, Qaanuunka adduunkana aqoon u lahayn, Waxaanu fahamney oo xafidnay:

1)     Soomaaliya ilaa iyo 1972 iney Xuduudeeda Badda Caddaysay kuna soo saartay Qaanuun tirsigiisu yahay 37, adduunkana u gudbisey oo loo aqoonsaday, UN, OAU-AU, iyo Hay’adaha Adduunka ka jira oo dhan.

2)     Iney Soomaaliya 1982 Ka mid ahayd 40 Wadan ee ugu horreeyey ee Qaanuunka Badaha Adduunka Saxiixay, kadibna dib u cusboonaysiiyey saxiix kale June 1989, sida uga diiwaan gashan UN iyo Hay’adda Badaha Adduunka, halkaas oo mar kale loo diiwaan geliyey 200 nm oo EEZ ah, oo ka dambaysa Xadka Badda.

3)     Waxaanu Fahamney Soomaaliya iney ka mid tahay 8 Dawladood oo adduunka ka mida oo leh 200 nm (Xad Badeed – Territorial Waters). Dawladaha intooda badanna Xad Badeedkoodu waa 12 nm. Taasina waa dadaal iyo guul ay soo hoyeen Maamuladii iyo Dawladihii Hore ee Soomaaliya, dadaalkoodiina ay tahay in la sii kordhiyo oo la xejiyo. Sidoo Kalena Soomaaliya iney Leedahay Qalfoofka Qaaradda ( Continental Shelf) oo ah 350 nm.

4)     Waxaanu halkaa ka fahamney Soomaaliya Qaran ahaan, Dal iyo Dawlad ahaan, Baddeedu iney u xadaysan tahay, adduunkuna aqoonsan yahay. Xitaa Markii ay Soomaaliya saxiixday qaanuunka Badda oo dawladaha faraya iney xuduudooda ku xadidaan 12 nm, Soomaaliya wexey caddaysay intaaney saxiixin iney ku saxiixeyso shardi ah inaan qaanuunkii 1972 ay xadkeeda kasoo saartay aaney ka tanaasulin, oo xadka baddeedu yahay 200 nm waa xadka badda (territorial waters) waxaa usii dheer 200 nm oo EEZ ah (aagga ganacsiga gaarka ah).

5)     Waxaanu Halkaa ka fahamney iney jirto saddex arrimood oo kala macne ah oo kala ah : a) Xuduuda Badda Qawmiga ah (Territorial waters) oo xitaa hawadeeda aanu leenahay b) Aaga ganacsiga gaarka ah (EEZ) oo Dawladaha xeebta leh la siiyo, laakiin aaney diidi Karin in dhuumo la dhigto, ama wax laga dhisto, amase khayraadkeeda lala adeegsado hadii la garto, sida dawladaha aan badda lahayn oo kale, c) Qalfoofka Qaaradda ama (continental Shelf) . Waa saddex mas’alo oo kala macne duwan. Laakiin wasiirada DKMG miyey iskaga dhex yaacsantahay arrimahaan mise waa is yeel yeelayaan, mise cilmi kale oo aanan ogayn bey hayaan.

Intaa haddaanu garanay annaga oo aan aqoon u lahayn badaha iyo ummuurohooda intii aanu ka akhrino mooyaane, waxa la yaab leh DKMG oo sheegatay iney shaqadeedii tahay ay arrimahan u fahmi la’dahay. Anigu cidna wadani nimadeeda ama amaanadeeda tuhmi mayo, wax aanan daliil u haynna cidna ku tuhmi mayo, laakiin waxaan sheegi karaa inaanu la yaabanahay, oo garan la’nahay, sida DKMG arrimahaan khatarta ah, si fudud u dabaalaneyso, aaneyna uga garaabayn, oo ugu hadana ugu mamantahay iney saxiixdo.

waxaa is weydiin leh, ilaa haddana aan laga hayn DKMG iney si dhaba uga jawaabto :

1)     Maxaa ku kalifey DKMG iney muran geliso waxaan muran iyo doodi ku jirin. Iney tiraahdo waxaa la xadaynayaa bad xadaysan oo la aqoonsanyahay ilaa iyo 1972. Iney maalin walba ku hadaaqaan wasiiradeeda hadal aan la fahmi Karin oo ah: Deadline (Taariikh xadidan oo na haysa) ayaa jirta, waa inaanu waraaqa saxiixnaa iwm oo meel loo cuskado aan lahayn.

2)     Maxaa DKMG u diidey iney cid kasta oo ku tiraahda badda waa la xadaynayaa sida Mahiga ama Walad Cabdalla ama Kenya ama Norway ama qeyrkood, iney ku dhahdo Badda Soomaaliya waa xadaysantahay waana la aqoon sanyahay weyna diiwaan gashan tahay, sida Admiral Farah Qare ugu jawaabey Shirkii Syschelles? Maxaa U diidey DKMG arrimahan iney u deyso dadkii aqoonta u lahaa ee Soomaaliyeed ama kala tashato, dadkii waxaan kasoo shaqeeyey ayaaba weli nool, qaarkoodna Dawlada ku jiraan?

3)     Maxaa keenay iney DKMG furto dood ah bad ayaa la xadaynayaa amase EEZ ayaa la xadaynayaa, iyadoo saan sheegnay Soomaaliya ay leedahay Xadka Badda ilaa 1972, EEZ ilaa iyo 1982, maxaa hadda ay uga dhigayaan wax cusub oo la keenayo, ama xuduud cusub oo loo samaynayo dal aan horay xuduudahaas u lahayn ama UN ku jirin, ama Heshiisyada adduunka oo dhan aan qayb ka ahayn.

4)     Maxaa u diidaya DKMG haddeey hayso xog ka duwan intaa yar ee caanka ah ee qof kastaa fahmi karo, iney soo bandhigto, si cilmiyaysanna u sheegto, waxa ku kalifayana sheegto.

5)     Haddiiba aan ka soo qaadno DKMG in laga dalbay iney arrimahaan faraha la gasho, aaway doodeedii iyo difaaceedii ku salaysnaa qaanuunadii u degganaa Soomaaliya ee la aqoonsanaa? Miyaaney ka doodi Karin haddiiba la yiraahdo waxaa laydiin xadaynayaa EEZ 19/12/2011, miyaaney ku doodi Karin: Soomaalida Xuduudeeda Badda iyo EEZ wey xadaysan yihiin, UN ka xafiisyadeeda ayeyna taalaa ee halaga akhristo.

6)     Waxa la yaableh DKMG iyadoo Dawladdii Dawladnimo ugu dambeysey badda xadaysey 1972 oo adduunku 200 nm noo diiwaan geliyey, waxa DKMG ula soo ordeyso 12 nm. Sow wax lala yaabo maaha nin leh 200 nm, oo loo aqoon sanyahay, oo 40 sano adduunku ku dhaqmayey, oo Dawladaha Adduunku u ogyihiin, ( Waxaa ku khudbeeyey Somalia EEZ Sarkozi, Qaddaafi) iyo madax kale oo sheegay Soomaaliya xuquuqdeeda loo aqoon sanyahay, iney Dawladdii Magaceeda sheeganeysey tiraahdo waxaan rabaa 12 nm!!

UJEEDOOYIN WAAWEYN!

Ujeedooyinka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay, in dalkan baylahdaa la boobo ka sokow, waa in la dafiro oo la duudsiyo wixii lagu sameeyey Soomaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay si maalintii ay dad jira ama Dawlad leh noqdaan aaney u daba gelin. 20 Sano ayaa Baddeena Khayraadka laga guranayey, ($300 malyan  Sanadkii waa qiyaasta Oceana -US) ($ 94 malyan waa qiyaasta MRAG Hay’ad ingiriisa) taasoo qiyaasta ugu yar ka dhigeysa iney naga maqantahay hanti ka badan US $  4-10 bilyan oo dadkeenu xaq u lahaa. Waa la ogyahay manta ineynu dhulka naalo oo aanaan weydiisan Karin, laakiin maalin uun aan rag noqonno aan ka daba tegeyno, taas ayaa la rabaa in meesha laga saaro. Oo Haddii lagu guulaysto in la yiraahdo Badda waa la xadaynayaa, macneheedu (Automatically) waa horay uma xadaysnayn, marka wixii dhacay waa ka kac mana ku dacwoon kartaan.

Ummadda Soomaaliyeed indheheedu waa furan yihiin. Xaqeedana wey dhacsan Ilaahay idankii. Kii daryeela iyo Kii duudsiyana wey kala garaneysaa. Sayid Maxamed Cabdille Xasan ayaa Gabaygiisi Caanka ahaa (Nabsi) wuxuu ku sheegay:

Nin dalleensan inuu duukhayey, doqontu mooddaaye

In kastuu dunqaarahakan dhacay, dulugle cayroobo

Haw dayrin deeqii Alluu, dooc ka sugayaaye

 

Rabbibow dawari kaan lahayn, duunyo iyo maale

Asagoo dirriga jiifsaduu dayrdhal soo heliye

Bal dayoy maruun buu darfiyi, deeqa caanaha e

 

Nin la dagay sidii doqon hadduu, dacayda laalaadsho

Maruun buu dareemaa inaan, deraja loo hayne

Bal dayoy markuu dido inuu, deyrka jebinaayo

Waxaan ku khatimi waxaa ku haboonayd DKMG iney isku hawshu iney Maatada Soomaaliyeed ee meel walba ku le’aneysa iney u doonto calaf ka mida khayrkii dhulkooda. Waxa uu gartay oo ka carooday ninka Ingiriiskaa Johann Hari ee Wargeyska Maalinlaha ah ee London kasoo baxa ku qoray 5 Jan 2009, Maqaal uu ku yiri:

In 1991, the government of Somalia collapsed. Its nine million people have been teetering on starvation ever since – and the ugliest forces in the Western world have seen this as a great opportunity to steal the country’s food supply and dump our nuclear waste in their seas.”

“Yes: nuclear waste. As soon as the government was gone, mysterious European ships started appearing off the coast of Somalia, dumping vast barrels into the ocean. The coastal population began to sicken. At first they suffered strange rashes, nausea and malformed babies. Then, after the 2005 tsunami, hundreds of the dumped and leaking barrels washed up on shore. People began to suffer from radiation sickness, and more than 300 died”.

“Ahmedou Ould-Abdallah, the UN envoy to Somalia, tells me: “Somebody is dumping nuclear material here. There is also lead, and heavy metals such as cadmium and mercury – you name it.” Much of it can be traced back to European hospitals and factories, who seem to be passing it on to the Italian mafia to “dispose” of cheaply. When I asked Mr Ould-Abdallah what European governments were doing about it, he said with a sigh: “Nothing. There has been no clean-up, no compensation, and no prevention.”

“At the same time, other European ships have been looting Somalia’s seas of their greatest resource: seafood. We have destroyed our own fish stocks by overexploitation – and now we have moved on to theirs. More than $300m-worth of tuna, shrimp, and lobster are being stolen every year by illegal trawlers”

DKMG Haddaaney Arrintaan Adduun weynaha u bandhigi Karin, oo Maxkamadaha geyn Karin, oo Dadka Soomaaliyeed sida loo boobay, oo loogu xadgudbey – ugu yaraan – adduunka ugu dhawaaqi Karin, mey iska aamusaan, oo faraha kala baxaan iney wax ka bedelaan qawaaniintii u degsanayd waagey Ummaddu Dawlad Lahayd, halaga Xisaabtamo wixii kale, Markey Dawlad Dhabihii Timaado. Haddii taa la diidey, Aayahii Soomaalida iyo Facyaalkii soo socdeyna la rabo in la dabar gooyo, sida kuwa hadda joogey loo baabi’iyey oo loo magic diley, Soomaalidu yeeli meyso Ilaahay idankii.. Waana tashaneysaa.. Daneheedana wey Difaacaneysa, ninkii rabow taariikhda raac, ninkii rabowna ka har.Liis ayaa jira qormaya..Taariikh ayaa jirta qormeysa.. Ilaahow Tawfiiqda na waafaji.

 

Shiikh Maxamed Idirs
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online