Ugaas Cali Ugaas Maxamed arrintii Gaalkacyo guul bay ku dhamaatay (Dhagayso)

September 27, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Kulan ay maanta iskugu yimaadeen 16 isim iyo cuqaal kale duwan iyo madaxada dowllada Puntlland  iyo xilibaano ka socday DFKM ayaa waxaa uu ka dhacay Hotel Golden Plaza magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo maanta gogosha fidiyey hadalna ka jeediyey madasha  shirka ayaa sheegay in uu mahad balaaran u jeedi nayo Isimadii loo igmaday in ay waan waan ka galaan colaadii ka dhac day Gaalkacyo iyagoo si sharaf ku jirta u soo afmeeray, Islaanka Bashiir Islaan Cabdulle ayaa  ugu baaqay bulshada reer Gaalkacyo in la dhowro nabad lagna fogaado colaada  isagoo alle ka baryey in Isimadii iyo waxgaradkii howshaan  nabada ah  u yimid Gaalkacyo in gurya hooda uu alle  nabad ku geeyo.  Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa sheegay in howsha nabadayntu ay Isimadu ku howl lanaayeey mudo dhan 23 maalmood isagoo Islaanku uu xusay in colaadii iyo dhibaatadii magaalada Gaalkacyo guul laga gaaray Isimaduma ay nabad gudoonsheen.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayaa maanta madasha ka cadeeyey in waanwaantii nabadeed ee ay wadeen Isimadu in ayguul ku dhamaatay beeshuna ay ku qanacsan tahay inta dhiman oo uu ugaasku si xifaalo ah u yiri waa noo dhiman waa Rakcad oo u uu ula jeeday  wax yar ducana lagu soo xiri doona.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayaa ka digay kuwa ka shaqeeya in ay beelaha walaalaha ay isku diraan oo ay faafiyaan warar been abuur ah isagoo fariin u diray jaaliyaadka dibada iyo kuwa gudahaba uu u sheegayo in arrintu ay guul ku dhamaatay wararka been abuurkana ay iska ilaaliyaan.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed ayaa mahad balaaran u celiyey Islaan Bashiir oo marti soor u sameeyey  Isimadii iyo cuqaashii ku jirta waanwaan isagoo alle uga baryey kheyr,  Madasha kulanka ayaa waxaa ka hadlay Isimo Culimo , Cuqaal ,xilibaan ka tirsan DFKM  iyo Wasiirka amniga Puntlland Col.Khaliif Ciisa Mudan.

Wasiirka Amniga Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay madasha shirka ayaa sheegay in dowllada Puntlland ay si rasmi ah u qaadatay hishiiska fulinaysana wax ay soo gooyeen Isimadu isagoo sheegay in dowlladu ay dhinaceeda ku dadaali doonto in ay samayso dulqaad iyo xilkasnimo. Wasiirka Amniga Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ilaa intii colaadu ka dhacday gudaha magaalada Gaalakcyo ku sugnaa magaalada iyadoo  magaalada ay weli joogaan Saraakiil ka tirsan ciidanka ,wasiiro ka tirsan dowllada Puntlland ,Isimo xilibaan ka tirsan DFKM oo degaan ahaan ka soo jeeda Puntlland.

 Hoos ka Dhageyso Ugaas Cali Ugaas Maxamed

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/ugaasleelkase1.mp3]

M_M_Deeq
Halgan.net

 

4 Comments so far

Leave a comment

  1. scw

    Ilaah baa mahad iska leh colaadii Gaalkacyo nabadaynteedii guul baa laga gaaray waa alle mahadiis Thanks Bahda Halgan iyo saxaafada kale ee
    soomaaliyeed

  2. scw

    Aad baan u soo dhaweynayaa nabad laga gaaray colaadii Gaalkacyo waxaan mhada u jedinaya alle bacda llaah iyo culimada , Isimada, ganacsata iyo waxgaradka ku nool magaalada Gaalkacyo.

    ws

  3. salaamu calaykum
    Aaad baan u soo dhaweyneynaa nabada ay qaaateen labadii dhinac ee isku hayey Gaalkacyo waxaana mahad u celineynaa Isimada iyo Culumada Puntland oo soo afjaray colaadii kuwa wax magaratada ah ee hurinaya colaada ee ku jira labada dhinac meel ha looga soo wada jeesto

  4. Asc. maashallaah waa guul wacan oo lagu diirsado
    warka ka soo baxay dhibtii ka dhacaday Gobolka mudug.
    Rabi ah dhigo mid hirgal.kuwii cadowga u ahaa jirtaanka
    Reer puntland ah ku quusteen.

Leave a comment

*