Wafdi ka socda Qaramada midoobay oo gaaray Gaalkacyo

September 14, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa shalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarun ta Gobolka Mudug  u qaabilsanaha QM arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark Bowden  iyo wafdi ka tirsan Un-ka, Wafdiga oo uu hogaaminayey Mark  Bawden ayaa waxaa ay booqasho ku tageen xerada Halabooqad oo ah xero ku taal Gaalkacyo oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah.

Wafdiga u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark  Bowden ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Gaalkacyo masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamul ka Gobolka Mudug ee Puntland. Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac  iyo masuuliyin ka tirsam maamulkiisa ayaa waxaa ay kulamo la qaateen u qaabil sanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada Soomaaliya Mark  Bowden waxaan ay safar ay ugu kuur galayeen xaalada barakaca yaasha ku jira xerooyinka kale duwan ee degaanada Puntlland gaar ahaan Gaalkacyo.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa  waxaa kale oo ay kulan la qaateen Wasiiro dhowr ah oo ka tirsan dowllada Puntlland  oo uu hogaaminayey Wasiirka Amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan , wasiirada kulanka ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ah Wasiiru dowlaha qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland  Cabdulqaadir Xaashi, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Cali Yuusuf Cali Xoosh , Wasiiru dowlaha maamul wanaaga  Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

Wafdiga Qaramada Midoobay ee uu horkcayey u qaabilsanaha Qaramada midoobay arrimaha bini’adantimada dalka Soomaaliya Mark  Bawden ayaa waxaa ay warbixino kale duwan ay ka dhagaysteen guddoomiyaasha  xerooyinka barakacayaasha  iyagoo u sheegay Mark  Bowden in xaaladoodu ay wanaagsan tahay balse ay codsanayaan in loo dhiso guryo   biyuhuna ay ku yar yihin.

Ugu danbayntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlay  ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray Gaalkacyo isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax loo qabto dadka faraha badan ee ku soo barakacay magaalooyinkaPuntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online