Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DFKM oo gaaray caawa magaalada Nairobi

September 7, 2011 - Written by

Nairobi:-Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha DKM ayaa caawa maqribkii waxaa ay soo gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee dalka Kenya  xubno ka tirsan  labada gole ee DFKM Raisulwasaaraha ayaa waxaa ka qeyb gali doonaa  shir looga hadlayo Abaaraha geeska Afrika oo ay soo qabanqaabisay dowlada Kenya waxaana ka soo qeyb gali doona ergo ka socota wadamada ku bohoobay Ururka Igad kaas oo furmaya maalinta birito ah.
Afhayeenka Xukuumada DFKM Eng C/raxmaan Yariisoow ayaa sheegay in mudo laba cisho ah ay wafdiga Ra’isulwasaaraha ay joogi doonaan dalka Kenya .

Kulanka Birito ka furmaya dalka Kenya ayaa waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa xaalada abaaraha ee ka jira geeska afrika iyo sidii loo maareyn lahaa waxaa kale oo ajandaha shirka ka mid ah in dhaqaalo loo uruursho dalka Soomaaliya oo ay haatan ka jiraan abaaro aad u daran.

C/CasiisMaxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Aad bay u fiicantahay in mucaawino dibadda looga raadiyo dadka dhibaataysan, balse waa in sioda ay tahay loogu geeyaa ee maahan in laga baayacmushtaro WABILAAHI TOWFIIQ

Leave a comment

*