Wafti ka socda hay’ad Malaysia (MRA) booqday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo

September 26, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Wafti ka socda hay’ad  Malaysia Relief Agency (MRA) ee dalka Malaysia ayaa maanta soo kormeeray  Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana ay la kulmeen wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame iyo masuuliin kale .

Waftiga hay’ad  Malaysian Relief Agency (MRA) oo ka socda dalka Malaysia ayaa waxaa uu ka kooban yahay oo saxafiyiin iyo dhakhaatiir kuwaas oo u yimid magaalada  Gaalkacyo in ay qiimeeyaan xaalada caafimaad ee magaalada iyo abaaraha saameeyey dalka Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa u mahad celiyey wafdiga ka yimid dalka Malaysia wuxuuna ku soo wareejiyey qeybaha kala duwan ee  Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, Wasiirka ayaa waxaa uu ka waramay dhaqaatiir yarida ka jirta dalka Soomaaliya ka dib markii ay dhacday dowladii dhexe ee Soomaaliya .

Wafdiga hay’ad  Malaysian Relief Agency (MRA) oo ka socda dalka Malaysia ayaa waxaa uu kula kulmay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo Dhaqaatiir ka timid dalka Turkiya kuwaas oo howlo caafimaad ka waday magaalada Gaalkacyo .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online