Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland oo Shir jaraa,id ku qabtay Garoowe

September 18, 2011 - Written by

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa soo bandhigay maanta deeq waxbarasho ka timid dowladda Turkiga mar uu saaka shir jaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.
Deeqadan Waxbarashada ee ka timid dowlada Turkiya ayaa waxay qeyb ka tahay deeq waxbarasho oo ay dowlada Turkiga ay siisay DFKM iyada oo 500. oo arday deeq waxbarasho ugu deeqday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Dr.Cabdi Faarax Siciid (Juxa)ayaa waxaa uu sheegay in ardayada iskuulada sare ee Puntland laga qaadi doono imtixaan maalinta arbacada iyo khamiista wejiga u horeeya imtixaanka uu ka dhici doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug .

Imtixaanka ayaa waxaa si wada jir ah u qaadi doona macalimiin ka tirsan wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo masuuliin ka socda wasaarada waxbarashada ee dalka Turkiya.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online