Wasiirka G/dhiga Yugandha Crispus Kiyonga oo booqaday Xerda Jaziira .(Masawiro)

September 19, 2011 - Written by

Muqdisho, Isniin, Sept 19, 2011 Wasiirka gaashaandhigga dalka Yugandha Dr. Crispus Kiyonga ayaa maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho iyadoo si heer sare ahna l Gaashaandhigga oogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraddaha Aadan-cadde Int. Airport.

Wasiirka iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiir ka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, waxayna kormeer ku tageen xerada cusub ee Barakaca yaasha ee Rajo, halkaasoo ay ku jiraan kumanaan qoysas ah oo ka soo barakacay gobolada dalka oo ay ka jiraan abaaro iyo macluul aad u daran.

Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Mr. Kiyonga ayaa ayaa la hadlay dad u badan haween iyo caruur kuwaasoo hortubnaa xerada Rajo isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Yugandha ay la qeybsanayaan xanuunka gaajada iyo macluusha ee geeska Afrika, gaar ahaana mida ku habsatay Soomaaliya isagoo Alle uga baryay shacabka Soomaaliyeed inuu ka qaado abaarta.

Labada Wasiir  ayaa u sii gudbay Xerada cusub ee Jaziira ee uu dhowaan dhagax dhigay madaxweynaha halkaasoo ay ku jiraan boqolaal dhalinyaro ah oo loo taba barayo Askarinimo, waxaana halkaasi kula hadlay labada Wasiir iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka, iyagoo ugu dambeyntiina kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xerada.

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya iyadoo uu h alkaasina ku qaabilay madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxayna wadaqaateen wadahadal ay albaabadu u xirnaayeen.

no images were found

Ugu dambeyntiina Wasiirada Gaashaandhigga ee Soomaaliya iyo Yugandha ayaa si wadajir ah xarunta madaxtooyada shir jaraa’id ugu qabtay, iyadoo Wasiirka Gaashaan dhigga DFKM Xuseen Carab Ciise oo erayo soo dhoweyn iyo mahadcelin ah u sameeyey Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha.

Wasiirka Gaashaandhigga Yugandha Hon. Crispus Kiyonga oo isna warbaahinta uga waramay socdaalkiisa ayaa u sheegay in muhiimad gaar ah ay u tahay dowladdiisa Yugandha inuu soo booqdo magaalada Muqdisho oo ay ka joogaan Kumanaan ciidamo Nabad illaalin ah, wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta heerka sareysa ee dowladda Federaalku u sameysay.

DHAMAAD –

Garad Salad Hersi
Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online