Wasiiro ka tirsan DFKM oo safar ugu soo ambabaxay dalka Denmark

September 27, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho wasiiro ka tirsan DFKM kuwaas oo ku wajahan magaalada Copenhagan ee xarunta dalka Denmark si ay uga qeyb galaan shir caalami ah oo ka dhacay Copenhagan.

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka G/dhiga  DFKM Xuseen Carab Ciise  iyo Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFKM C/samada Macallin Maxamuud  ayaa waxay ka qeyb gali doonaan shirk ay  kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG ku qabanayso dalka Denmark .

Shirka ay ku qabaneyso kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG dalka Denmark ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimaha Soomaaliya iyo sida loo taageeri karo DFKM ee uu madaxweynaha u yahay haatan Sh Shariif Shikh Axmed.

Wafdiga wasiirada ka tirsan DFKM ee u baqoolay saaka Denmarka waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaraddaha ee Aaden Cadde  Raiisul wasaarae ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshaddaha  C/wahaab Ugaas Xuseen iyo taliyaha ciidanka xoogga ee DFKM  S.Guud C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Raiisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli ayaa shalay soo gaaray  magaalada Copenhagan ee xarunta dalka Denmark si uu uga qayb galo shir ay soo qabanqaabisay kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG oo isbuucan ka dhacaya dalka Denmark.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online