Xaalada magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug oo saaka degan iyo taliye la dilay

September 3, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Xaalada Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa saaka dagen ka dib dagaalo ka dhacay labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaana ka jira cabsi iyo xiisad dagaal.

Odayaal iyo waxgarad ku sugan magaalada Galkacyo ayaa wada waanwaan ay ka dhex wadaan ciidanka Puntland iyo koox dhalinyaro ah oo hubeysan oo ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha degan magaalada Gaalkacyo Isimada iyo nabadoonada ayaa saaka ku guuleystay in xabad joojin ay dhex dhigaan labada dhinac.

Dhanka kale waxaa lagu dilay saaka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Taliyihii Ciidanka Daraawiishta ee gobalka Mudug Maxamed Muuxe ilka dheer xili uu ku guda jiray in uu kala qaado labada dhinac ee uu dagaalka ka dhexeeyo.

Dilka Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee magaalada Gaalkacyo Maxamed Muuxe ilka dheer ayaa yimid xili ay ka socdeen xarunta dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo kulan ay waxgaradka magaalada Gaalkacyo ay uga xaajoonayaan sidii loo joojin lahaa colaada ka socta magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online