Afhayeenka dhinaca howlgalada ciidanka Al-shabaab oo shir jaraa,id ku qabtay Muqdisho

October 22, 2011 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka howlgalada ciidanka Al-shabaab Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa saaka ka warbixiyey dagaal culus oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalkaas oo xalay intiisa badan uu ka dhacay inta u dhexaysa xaafadaha Ceelka Boonweer ee degmada Dayniile ,Isgoyska Eveco iyo jidka Warshadaha.

Sh Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa saxaafada saaka u sheegay in xalay dagaalo qorsheysan ay ku ekeeyeen difaacyada ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM ayna ka saareen dhufeysyo badan kana dileen ciidamo kor u dhaafaya 20 askari.Dhanka kale Afhayeen ka howlgalada ciidamada Al-Shabaab Sh Cabdi Casiis Abu Muscab ayaa waxaa kale ooo uu ka war bixiyey dagaalkii cuslaa ee ka dhacay 20 bishan ee ka dhacay Degmada dayniile wuxuuna sheegay in cadadka marka la isku daro ay AMISOM ka dileen ilaa 300  askari ayna dhaawaceen ilaa 600 oo kale.

Ilaa hadda ma jiraan cid ka hadashay guulaha uu sheegay afhayeenka howlagalada ciidamada Al-shabaab Abu Muscab oo ka tirsan DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online