Ururka Al-shabaab oo ka baxay xalay Badhaadhe iyo Kudhaa Jilib oo la duqeeyey

October 30, 2011 - Written by

Kismaayo:-Warark naga soo gaaraya gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidanka ururka Al-shabaab ay ka baxeen xalay deegaanka Badhaadhe oo ka tirsan gobollka Jubadda hoose ka dib markii ay shalay deegaanka Buurgaabo ay qabsadeen ciidanka dalka kenya oo gacan siinaya ciidamo ka tirsan ururka Raaskambooni iyo kuwa DFKM .Ciidamada DFKM kuwa Kaambooni oo ay baritaarayaan ciidamada Kenya ayaa soo buuxiyey  deegaanka Buurgaabo waxaana shalay  ilaa maanta  ka jira xiisad dagaal iyo abaabul xooggan oo ay wadaan ciidanka Al-shabaab ee ku sugan Jubooyinka.

Dhanka ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo gaaray galabta deegaanka Buulo Xaaji waxayna kulamo  la qaateen odayaasha deegaanka iyaga oo ugu baaqay in ay ka qeybqaataan difaaca dalka iyo diinta.Gobolka J/hoose ayaa waxaa la soo darsay colaad iyo dagaalo ay hurinayaan dowlada Kenya iyaga oo ku andacoonaya in ay dagaal la galaan ururka Al-shabaab balse ay wadato ajando siyaasadeed oo ah in ay Maamul goboleed la yiraahdo J/land ay ka hirgaliso J/hoose ama gobalka ay ku celiso dagaalo ahli ah.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya sidoo kale Deegaanka Kudhaa iyo jilib ayaa sheegaya in diyaarado ay leeyihiin dalka Kenya iyo kuwa reer galbeedka ay duqeymo ka geysteen gudaha Degmada Kudhaa iyo Jilib duqeyntana ay ku dhinteen illaa 3 qof 25 kalena ay ku dhaawacmeen .

Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee urura Al-shabaab, Shiikh Abuukar Cali Aadan la hadlay saxaafad ayaa u sheegay in diyaaradaha weerarka iyo duqeynta geystay in ay ahaayeen diyaarado laga leeyahay dalka Kenya, Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee urura Al-shabaab, Shiikh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in dowllada dalka Kenya ay ku soo xadgudubtay Soomaaliya balse ay ka shalaayi doonto daandaanisga gardarada ah ee ay wadaan ,Shiikh Abuukar Cali Aadan ayaa qiray in diyaaradahaan ay weerarkooda ku waxyeeloobeen dad rayid ah.

Guddoomiyaha gobollada Jubbooyinka ee urura Al-shabaab, Shiikh Abuukar Cali Aadan ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaan si cadow nimo ah ay u beegsadeen goob laga raaco baaburta u socota magaalada Muqdisho, diyaaradahaan oo labo ahaa ayaa waxaa kale oo ay duqeeyeen duleedka magaalada Jilib.

Ciidanka dalka Kenya ayaa qabsaday degaano badan oo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyagoo si cad u sheegay in ay qab sanayaan magaalada xeebta ah ee Kismaayo,duqeynta ciidanka cirka ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo beegmaysaa xili saaka uu u duulay wafdi uu hiorkacayo Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof . C/weli Gaas magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online