Al Shabaab oo soo bandhiga meydka Askar ka tirsan AMISOM

October 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-Shabaab ayaa maanta waxaa uu soo bandhigay in ka badan ilaa 60 askari oo ka tirsan ciidanka Burindi kuwaas oo ku halaagsamay dagaal culus oo saaka ka qarxay Degmada Deyniile .

Afhayeenka howgalada ciidamada Al-Shabaab Sh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay si weyn ugu jabiyeen ciidamada DFKM iyo kuwa Burundi oo laba jiho ka soo weeraray Degmada Dayniile oo ay gacanta ku heysay Al-Shabaab.
Meydadka Askarta ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu soo bandhiga Deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dhanka kale Abaanduulaha ciidanka DFKM ayaa sheegay in ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay Seddex Jiho ka galeen Degmada Dayniile kuwaas oo kala ah  Ex-Control Afgooye,Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo Wadada Warshadaha wuxuuna sheegay in ciidamadiisa ay la wareegeen Xaafadaha Bangala,Xaruntii Degmada,Xaafada Tiida,Saldhiga Dayniile

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Allahu Abkar, walilahil alhamd, ilahey haguuleysiyoo muslimiinta galaada iyo gaalo raacdana ilahey hajabiyo

Leave a comment

*