Al shabaab oo Bayaan ka soo saaray duulaanka ciidamada Kenya (Akhriso)

October 17, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-Shabaab ayaa maanta warsaxaafadeed ka soo saaray duulaanka gardarada ah oo ay ciidamada Kenya ku soo qaadeen gobalada Jubada Hoose iyaga oo ku andacoonaya in Al-Shabaab ay afduub ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Ururka Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in ay amni daro ama afduub ka geystaan gudaha dalka Kenya waxayna ugu baaqeen madaxada dalka Kenya in ay cadeymo keenaa.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay ciidamada Kenya in ay si degdeg ah ula baxaan ciidamadooda hadii kale ay shacabka iyo ciidamada Kenya ay duulaanka ka dhaxli doonaan BurburDhaqaale iyo in Daaraha dhaadheer oo burburaan uuna joogsado dadka dalxiiska u yimaada Kenya .

Sidoo kale warsaxaafadeedka oo ku qoran afka Englishka ayaa lagu xusay in shacabka Kenya uu taageeray in ciidamada Kenya ay galaan Soomaaliya  kuwaas oo ay sugi doonto dhimasho .Al-Shabaab ayaa  ku eedeeyey Kenya  in ay si qasab ah ku hubeeyeen qaxooti Soomaali ah iyo in ay taageero melatari siiyaan ciidamada DFKM iyo kuwa Kaambooniyiinta.

Sidoo kale waxaa shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho maanta Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) isga oo eeda nabad galyo xumada dusha uga tuuray dowlada Kenya.oo fara galin qaawan ku heysa Soomaaliya .

Warsaxaafadeedka ay maanta Soo saareen Ururka Al-Shabaab ayaa nuqul ka mid ah waxaa uu soo gaaray Halgan.net waxaana uu u qornaa sidan.

Harakat Al-Shabaab Al Mujahideen hereby categorically denies all charges pertaining to the kidnapping of
tourists and aid workers from inside Kenya. The allegations put forward by the Kenyan authorities with regard to the recent kidnappings are, at best, unfounded and, apart from the mere conjectural corroborations, not substantiated with any verifiable evidence. They are not in any way, shape or form attributable to Harakat Al-Shabaab Al Mujahideen.

The Kenyan authorities have for a long period of time been aggressively seeking to enter Somalia and the allegations that Harakat Al-Shabaab Al Mujahideen poses a significant threat to the Kenyan population simply acts as a flimsy pretext for the Kenyan military’s incursion into the Somali border. Kenya has been forcibly recruiting refugees and training militia along the border for several years and has also been heavily involved in Somalia’s political affairs – both internal and external. The recent incursion of Kenyan troops into Somali territory, however, not only highlights Kenya’s imprudence in sending her non combat-tested troops to become entangled in Somalia’s intricate web of war, but also a wilful negligence towards her citizens.

The Kenyan public must understand that the impetuous decision by their troops to cross the border into Somalia will not be without severe repercussions. The bloody battles that will ensue as a result of this incursion will most likely disrupt the social equilibrium and imperil the lives of hundreds of thousands of civilians; and with war consequently comes a significant loss of lives, instability, destruction to the local economy and a critical lack of security.

Therefore, we call upon the Kenya public to think about their safety and their livelihoods and urge their government to immediately withdraw their troops from Somalia. We have experienced decades of war and instability in our country and fully understand the costs and the consequences of the conflicts. Do not let the flames of this war spill over into your country, thereby destroying the notion of safety and stability that you have enjoyed for years. Do not entrust your fate and the fate of your country to a few sabre-rattling politicians. It is your government and the choice is in your hands.

Press Office
HSM.press@yahoo.com
Harakat Al-Shabaab Al Mujahideen

3 Comments so far

Leave a comment

  1. scw

    walahi waa wax laga naxo in ay hada nah keniya ku weerarto somalia, intaas ayaa duli noogufilan. in aan jihaadno oo duulaanka lai´ska celiyo khasab miyeysan ahayn?????????ß

  2. run ahaantii waa wax laga murgo in ayso galaan wadankeeni dad dhulkeeni qaar heysto oona rabo kista hartay inay kusi darsadaan mana yeeleyno taasi cidii rabto ha noqotee,lkn waxaa meesha kamarnen somalia maxay unoqotay mid saqajaan walbo dunida kunool usoo cunta doonto sidii baqti dhurubaaga isugu yeerto markay arkaan .aniga waxan leyahay walalkega sida u dhahay waye somali cadaw ayay ledahay cadawga kowaaadna ayada ayaa isu ah waayo waxaa 21sano isleenahay reer hibil iyo murtad iyo munaafuq taasina fursad waxay sisay cadawgena ,hada alshabab raga mujaahidinta loogu yeero oona laayay somali inti wax u tari lahed kuna faanoyso inay layso dadkee difaaci lahaa wadanka ayaa sabab u ah midowga africa iyo kenya iyo xabashi amxaara inay imaadaan wadankeeni hooyo hadii sidaan ay somalida iskudaawato aysan culumada layaqaano iyo wax garadka aysan wax ka oran arinta somali waqtiga dhow waxay gali doontaa gacan gumeyso oo cidwalbo diidan lkn aysan udhaqaaqoynin dhanka fican
    ilaahay ayaa raxim ah ha u naxaristo umadeenii dad damiir leh udiir naxo laheyn

  3. Inkastoo aan ururka alshabaab ku taageersaneyn dagaalada ay ka wadaan soomaaliya ee halakeeyey intii soomaali kasoo hartay 20 yrs ka dib, haddana sinnaba raalli uga noqon maayo in wadankeyga soomaaliya ay duulaan kusoo qaadaan ciidan waddan kale ka yimid khaasatan waaba kasii daran yihiin kuwa xudduudaha aan wadaagno ee qeybo ka mid ah dalkii soomaaliyeed gacanta ku haya, sida kenya oo kale, waxaan oran karaa kenya awal hore waxaa ay soomaali kula dhaqmi jirtey tallaabo miisaaman oo aysan marnaba xuduuda soomaaliya si caadi ah usoo tallaabin intii hadda ka horreysay,taasoo shakhsi kastoo soomaali ah aanu raalli ka noqonayn wax walba ha lagu maraanmarsadee, ciidamada hadda joogay soomaaliya ayaaba culeyskooda iyo walwalkoodu soomaali wadnaha farta ku haysay haddana kuwo deris kula ah oo wax walba ka suuroobaan ma ahan kuwo caqli saliim ah iyo maskax fayoobi aqbali karto.
    Waxaase eedda waxaas oo dhami dusha u ridanaya ururka shabaab oo maareyn waayey inay soomaali cagta u dhigaan oo ay isu keenaan iyagoo og inaanay far kaliyiyi fool dhaqeyn soomaalina aanay xoog iyo xeelad ku muquunin karin, iyagoo shicaarkoodu noqday -nagu soo daba feyl,hadii kale xabbad baa ku taqaanna, dalkii soomaaliyeedna intii cadaw lahaa oo dhan isugu keenay oo isugu yeerteen, markaasay imika dhawaaqayaan markay walaalahoodii soomaaliyeed kala cayriyeen oo baylihiyeen, dorraad markii xoogu mideysnaa soomaali waxaa ay iska kicisay oo ay ka adkaadeen itoobiyaankii awood wixii ay lahaayeen isugu keenay muqdisho, ha yeeshee shacabkii iyo xoogagii muqaawamada oo mideysnaa ayaa jiif iyo joog u diiday kuna qasbay inay cagaha wax ka dayaan…taasina waa tusaale kii ugu fiicnaa ee lasoo qaato, alshabaabse waxaa afkeedii laga gartay annaga annaga annaga taasoo meel cidlaa istaajisay keentayna in soomaali qurub qurub u jajabtay, cududeediina wiiqantay…ilaahay ummadda ha badbaadiyo.

Leave a comment

*