Banaan bax lagu diidan yahay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo ka dhacay Stadio Koonis

October 9, 2011 - Written by

Muqdisho:-Banaan bax ballaaran oo lagu cambaareynayo qaraxii lagu laayey ardayda ayaa waxaa uu ka socdaa magaalada Muqdisho waxaana ka soo qeyb galay banaanbaxa madaxada u sareysa DFKM oo uu ugu horeeyo madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed .

Dadweynaha Banaanbaxa sameynayey ayaa waxaad wajiyadooda ka muuqday caro iyaga oo dareenkooda ku muujiyey sida ay uga xunyihiin qaraxa lagu laayo arday aan waxba galabsan ,Banaanbaxa ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Garoonka Ciyaaraha ee Stadio Koonis ee Degmada Cabdicasiis.

Madaxweynaha DFKM Shariif  Sh Ahmed iyo Raisulwasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa khudabado ka jeedshay banaanbaxa waxayna cambaareeyeen qaraxa iyo cida ka danbeysay waxayna tacsi u direen dhamaan eheladii ay dadkooda ku geeriyoodeen qaraxii ka dhacay xaruntii harkaha iyo saamaha ee Muqdisho.

Warka oo faahfaahan iyo khudbadihii laga jeedshay banaanbaxa kala soco Halgan.net.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,781 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>