Boqol iyo Konton Arday ah oo u dhoofay dalka Turkiga

October 7, 2011 - Written by

Muqdisho:-Qaar ka mid ah ardaydii deeqda waxbarasho ka heshay dalka Turkiya ayaa saaka ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho, Ardayda saaka u dhoofay dalka Turkiga ayaa  tiro ahaan gaareysay ilaa 150 arday oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya kuwaas oo ka badbaaday qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayey DFKM ku sogootisay ardayda saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho waxaana kulanka ka soo qeyb galay  mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Prof.Cabdiweli Gaas,xildhibaanno iyo waalidiin tiro badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasha hiddaha iyo tacliinta sare  DFKM C/qaadir Maxamed Barre ayaa khudbad kooban iyo dardaaran uu u jeedshay ardayda ay ka faa.iidaystaan fursada ay helleen isagoo xusay in  ardayda maanta u dhooftay dalka Turkiga ay yihiin dufcadii 3aad .

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax u dhimi doonin  howsha ay wadaan qaraxii lagu laayey arday Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ayna sii wadi doonaan dadaalkooda.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Markahore waxan u tacsiyaynayaa walalihii ku geeriyooday weerarkii waxashnimada ahaa ee ay shabaab ku halaageen ubaxii soomaliyeed
    waxa kale oon u mahad celinayaa dawlada turkiga iyo pm erdogan. Ilaahay kheyr hadinsiiyo meel baad maanta uga soo baxdeen shacabka soomaliyeed

Leave a comment

*