Boqol iyo Konton Arday ah oo u dhoofay dalka Turkiga

October 7, 2011 - Written by

Muqdisho:-Qaar ka mid ah ardaydii deeqda waxbarasho ka heshay dalka Turkiya ayaa saaka ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magalada Muqdisho, Ardayda saaka u dhoofay dalka Turkiga ayaa  tiro ahaan gaareysay ilaa 150 arday oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya kuwaas oo ka badbaaday qaraxii waxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayey DFKM ku sogootisay ardayda saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho waxaana kulanka ka soo qeyb galay  mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Prof.Cabdiweli Gaas,xildhibaanno iyo waalidiin tiro badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarasha hiddaha iyo tacliinta sare  DFKM C/qaadir Maxamed Barre ayaa khudbad kooban iyo dardaaran uu u jeedshay ardayda ay ka faa.iidaystaan fursada ay helleen isagoo xusay in  ardayda maanta u dhooftay dalka Turkiga ay yihiin dufcadii 3aad .

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax u dhimi doonin  howsha ay wadaan qaraxii lagu laayey arday Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ayna sii wadi doonaan dadaalkooda.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online