Buug ka hadlaaya Koboca Islaamiyinta Soomaaliya oo lagu soo bandhigay Bosaaso(Sawiro)

October 12, 2011 - Written by

Boosaaso:-Magaaladda Bosaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, Waxaa Maalintii Isniintii ka dhacday Xaflad lagu daahfuray Buug Cusub oo loogu magacdaray Kobicii Islaamiyiinta Somalia oo  ka hadlaya Taariikhdii dhaqdhaqaaqyadii islaamiyiinta Somalia 50 kii Sanno ee la soo dhaafay. Buugan oo uu qoray C/shakuur Mire Aadan, wuxuu koobayaa Taariikh run oo nus Qarni ah laga soo bilaabo sanadii 1952-dii ilaa 2002, wuxuu ka sheekaynayaa kufaa kicii waayihii Islaamiyiinta,, xilligii Baraaruga dacwada, Xilligii horu socodnimadda, Xilligi hub qaadashada, Xilligii walaahowga dhexdooda iyo Xiligii kala Miiranka.

no images were found

Xafladii Daahfurka Buuga oo ka dhacday Hoolka weyn ee shirarka Jaamacadda Bariga Afrika, Waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin, Siyaasiyin, Aqoonyahano Reer Puntland, Macalimiinta, Madaxda Jaamacadda Bariga Afrika iyo Ardayda Jaamacadda iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn Xafladda Waxaa ka hadlay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo ah mufakar, kana mid ah Macalimiinta Kulliyada shareecadda ee Jaamacadda bariga afrika, Waxaana uu aad ugu dheeraaday Macluumaadka Buugani koobayo, oo uu sheegay in uu si xiiso badan u soo bandhigay Taariikhda dhabta ah ee Islaamiyiinta Somalia,  wuxuuna ugu hambalyeeyay Qoraaga dadaalka xooga-weyn  ee uu isagu taxalujiyay Ururinta Xogta buugan ku qoran.

Qoraa Sare Maxamed Siciid Kaashawiito oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Buugani uu soo bandhigayo, Sawirna ka bixinayo dhaq-dhaqaaqyadii Islaamiyiinta Somalia, islamarkaana uu si run uga warbixiyay Taariikhda Islaamiyiinta Somalia

“ Buugani waa mid ka mid ah Taariikhda aynu soo marynay Nusqarni, Runtii waxaan oran karaa. C/shakuur waa dadaalay, wax badan buu wax ka qoray, Wax badan oo aanay ogayn ayuu iftiimiyay.  Waa Bani’aadam waa la oran karaa waxbuu qalday. Waxyaalaha buugan ku qoran waa wax dad laga soo ururiyay oo xaqiiq ah, ma aha sheeko mala awaal ah (fiction), oo C/shakuur abuuray, oo isagu alifay oo uu qoray ma aha, Markaa waxaan qabaa haddii khalad dhaco, wuxuu ku koobnaanayaa qofkii laga soo wariyay” ayuu yiri

Qoraaga Buugan Koboca Islaamiyiinta Somalia C/shakuur mire Aadan ayaa ka hadlay waxybaabihii ku dhaliyay inuu qoro buug ka hadlaya waayihii islaamiyiinta Somalia. Waxaana uu sheegay  in buugan qoraalkiisu uu ku qaatay muddo 6 Sanadood ah, Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ujeedada uu qoray ay ahayd iftiiminta Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo Xog badan laga hayn.

“ujeedooyinka Buuga waxaa weeye, si loo helo Qoraal ku qoran afka soomaaliga oo Soo bandhigaya Taariikhda Islaamiyiinta Somalia oo aan xog badan laga hayn. Usoo gudbinta Jiilka soo koraya taariikhda  ee dalkoodu soo maray. Iftiimin dhalinyarada Aqoonta leh loo iftiiminayo inay qalinka qaataan, oo ay iyagu noqdaan kuwa dalkooda wax ka qoraya, intii cid kale oo shisheeye wax ka qori lahayd. In la helo Tixraac ay raacaan baarayaasha iyo Aqoonyahanada doonaya inay wax ka qoraan islaamiyiinta Somalia, Xoojinta Qoraalka Afka Soomaaliga” ayuu yiri C/shakuur Mire.

C/shakuur Mire wuxuu sheegay in buugani uu ka kooban yahay 5 Cutub  oo 295 bogg uu yahay, oo dhammaantood isagu uu qoray “Buugan waa 50 sanno oo taariikh ah,  Buug kasta oo la qoraa wuxuu yeeshaa dhaliil iyo ammaan, Waxaan u huray naftayda in aan noqdo qofkii u horreeyay oo soo bandhiga Taariikhda Islaamiyiinta soomaalia, si  dad badan ugu dhiiradaan, Buugan waxaan u hibeeyay Wadaad caan ahaa oo la yaqaanay oo ah Shiikh nuur Cali Colow oo ka mid ahaa wadaadaduu Salka u dhigay Xarakada Cusub ee Islaamiyiinta iyo nin aanu saaxiib ahayn oo 19 june 1992-dii ku geeriyooday Magaaladda Garowe, oo la oran jiray c/rashii Guuleed Warfaa”

Mar uu ka hadlyay qoraagu habraaca qoraalka uu raacay, wuxuu sheegay in Ururinta Xogta Asaasiga ee Buugan ay Asaas u tahay, Baaritaano Qoto dheere iyo  Waraysiyo uu la yeeshay Wadaado caan ahaa sida C/qaadir Nuur Faarax, Sheekha Maxamed Axmed Garyare, sheekh Cali Warsame, C/laahi Diiriye Abtidoon, Maxamed Ismaaciil Yuusuf, Abukaate xuseen Cabdulle Colow, Ustaad C/raxmaan Baadiyow iyo Rag kale. Qoraagu Waxaa kaloo uu waraystay Hoggaamiyaashii xarakooyinka Islaamiga ah ee asaasay ururadii dacwada, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsanayd Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed

“Xogaha kale ee  la raad raacay  waxaa ka mid ah  Qoraal lagu faafiyay baraha internetka ee Somalitoday, Somalitalk, Al-shaahid, xildhibaan.  Buugaagta la kaashaday waa taariikhdii Daraawiishta, Dhacdooyinkii ma deganayaasha, Taangigii Tikreega, Hadimadii Gumaysiga, Qaranjabkii Somalia, Dagaalkii Ogaadeenya iyo Kuwa kale, Wargaysyada la qaatay waxaa ka mida Ogaal oo ka soo baxa hargaisa” ayuu yiri

Qoraa C/shakuur  wuxuu aad ugu dheeraaday asaasayashii iyo asaasmidii Xarakooyinka islaamiyiinta Somalia,  Dagaaladii ay galeen iyo kala dhanbalankii Islaamiyiinta

“ Waayihii Horusocda islaamiyiinta, dhalintii  Al-ahli ay ku fekerayeen in Dowladda islaami ah Somalia ka curato, ayaa 1978  qaybsamay, waxay u kala qaysantay, qolo raacdo Jaamacal muslimiin (takfiirka), oo uu la go’ay guddoomiyihii Al-ahli Sheekh C/qaadir Maxamuud iyo qolo Jamacaa Islaamiya ku hartay iyo Qolo al-islaax la baxday”

“ burburkii qaranka soomaaliyeed, markii ay burburay Dowladii soomaaliyeed, Islaamiyiiintu qolo walba waxay raaceen qabiilkoodii, Hadday ahaan lahaayeen Al-islaax, hadday ahaan lahaayeen Jaamacatul Musliim (takfiirka) iyo hadday ahaan lahayd Al-itixaad al Islaami.Ururka Al-itixaad Al-islaami wuxuu ahaa ururka ugu Kaadirka Badan Islaamiyiinta soomalia Xiligaas. Al-itixaad Markii ay Kismaayo Tageen ma ayan hubaysnayn, Waxaa Mucaskarkii ugu horreeyay laga sameeyay Magaaladda Kismaayo Xerada guulwade, Waxaana loo bixiyay Khaalid bini Waliid.

Ururkii Al-itixaad wuxuu galay Dagaalkii araare. Islaamiyiintu waxay ka barbar dagaalameen General Morgan, Taasoo ahayd Khalad, waayo 1988 –kii Ururka Al-itaxaad wuxuu go’aan ku gaaray inaan lala safan qabaa’ilka, Hase ahaatee, khaladaad ayay ku dhaceen markii ay ka difaaceen magaaladda Kismaayo  Ururkii USC ee Generaal Maxmed Faarax Caydiid.Ururkii Al-itaxaad waxay u soo wareegeen goboladda Waqooyi Bari (Puntland), ururku Markasta oo ay dagaal galaan wuxuu galay kala qaybsan.Ururka Al-itixaad wuxuu u qaybsamay Saddex Qaybood Salafiya jadiid, Al-ictisaam iyo Salafiya Jihaadiya” ayuu  yiri C/shakuur Mire Aadan.

Sheekh fu’aad Xaaji Nuur oo ka mid ahaa Culuma’udiinkii ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay Muhiimadda Buugani uu leeyaahay, Waxaana uu sheegay in Buugan uu ku qoran yahay Afsomalia quruxbadan, oo  Fudud oo qof kastaa fahmi karo

“ Waxaa buuga ku qoran oo ka mid ah Mucaskarkii Nasrudiin la oran jiray oo u yaalay Qow (Bender siyaada) in saraakiishii u horraysay oo Tababarka ka soo baxay uu ka mid ahaa Aadan Xaashi Cayrow, Macaluumaadkaas waa mid khaladan. Aadan waagaas wuu joogay laakiinse wuxuu ahaa Wiil yar, wuxuu ka tirsanaa Koox la oran jiray Abu-hurayra oo Ciyaalka Quraa’nka loo dhigo ayuu ka mid ahaa, Nin aad iyo aad u yar buu ahaa, markaa ma ahayn Dafcadii u horraysa, Tii Labaad, tii Saddexaad oo tababarka ciidanka ka soo baxda” ayuu yiri Sheekh Fu’aad, wuxuuna sii raaciyay

“ annigu waxaan buuga aad u akhriyay markii burburku dhacay, Markii Al-itixaad Dagaalka kismaayo galayeen, lama gelin Dagaalka qabiilkooda, Waxaa loo galay sabab gaar ah, Shuurada Xarakaduna go’aan kuma gaarin. Laakiinse waxaa la yiri Cunqaaco Meeshaad rabtid kuguma sinto. Dagaalkaas Qabiilka iyo wadaadadu isku meel kagama jirin”

Ugu dambayntii, Waxaa ka hadlay Munaasabadda Siyaasiyaga Caanka ah ee Cali Cabdi aware, oo ugu hambalyeeyay Qoraaga  soo Saarida Buugan Cusub ee ka hadlaya waayihii kala duwanaa ee Islaamiyiinta. Waxaa sidoo kale Qaar ka tirsan aqoonyahanadii  iyo  ardayda Jaamacadda Bariga Afirka  ayaa su’aalo la xiriira Buuga  waydiiyay qoraaga  buuga, kuwaasoo si  qurux badan uga jawaabay.

Si kastaba ha ahaatee, Buugan oo ah  Daabacadii 1aad, Laguna daabacay Dalka gudihiisa, waa kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo afsomali ku qoran oo laga qoro Islaamiyiinta Somalia wuxuu xalinayaa xog la’aanta ka jirta Taariikhda islaamiyiinta  soomaaliya, in la barto awooda ay bulshada ku dhex leeyihiin oo aan hore looga hayn wax aqoon baahsan aan laga hayn.

Isha warka Bosaso Press

4 Comments so far

Leave a comment

  1. waxaa halkaas iiga muuqada mar hadii layiri kobaca islaamiyiinta in inta kale aysan aheen islaamiyiin dabcan

  2. Qoraagu waa dadaalaylaakiin waxaan leeyahay wixii dhaqdhaqaaq ahaa ee wadaadoo soo galeen ma ahayn mid miro dhal ahayd waayo xaqiiqataan kuma dhisnayn kitaabka ilaahay iyo sunadiii saxiixa ahayd. Tusaale ahaan qoraagu wuxuu yiri Salafiya 3 bay u kala baxday, laakiin xaqiiqatan Salafiya waa hal wadee markii horeba laguma jirin. Tusaale ahaan Axsaab in la sameysto dadka Muslimiinta ah dhexdooda iyo mucaskaraad iyo cukaamta lagu baxaaba waa arimo aan ku dhisnayn mabaadii’dii salafka, marka, bilaahi calaykum, ma salafiyaa qaybsanatay masii markii horeba lama hayn dariiqii Salafka. Dawadu waa in la qabsado kitaabka ilaahay iyo sunada si sax dadkana dacwada loogu yeero iyadoo aan xisbina la noqon baycana cid laga qaadin ( oo aan Ictisaamna la noqon, walaa itixaad iyo Shabaabna). Bal Ahlu-cilmigii casriga buugtooda eega kuli waay dhaleeceeyeen axsaab in la sameysto. Sow isaga Ilaahay ( SWT) kitaabkiisa ku yiri ka qaybsamina, marka nimanyahoow ogalaada in critical laynagu noqdo oo ha tiritirinana commentigayga. Dad badan oo Somali ah ayaa qabaa in sidaas arintu tahay. Wadaadii somaliyeedna wax weyn oo buuran ma qaban waayo kuma sugnaan kitaabkii ilaahay iyo sunadiisa.

    Dadka la laynayo ma kitaabkaa sheegay? Waxaa looga aamusayaa, malagu raacsanyahay si in wax la cadeeyo ma ahan oo loo bareero?

    In xarakaad iyo mucaskaraad la sameeyo ma kitaabkaay ku qoranatahay? Salafkii ma laga soo gaaray?

    Nimanyahoow ilaahay ka cabsada, diin arintu ma ahayne kursi bay ahayd..

  3. Waad salaamantihiin,

    Waxaan aqriyay gunaanadkaan yar eed soo samaysay. Waxaad mooda in boogu uu kahadlayo Itixaadkiii kaliya

    mahadsanid

  4. Salaanta qoraha ku socota kadib, meshan hal su’aal uun baa ku jirta. Su’aashaasu waxay tahay: Soo bixitaanka, hirgalista iyo kala-burburka dhaqdhaqaaqa wadaadada Soomaalida maxaa laga dheefay/dhaxlay? Wadaadada qoorgooyada wada, kuwa quraanka ku baayacmushtara iyo kuwo kale oo badan oo muuq islaam/dad leh, laakiin garashada/fariidnimadu ku yartahay saw maaha? Wadaadada dagaalka wada ee dadka laynayaa dhaawaca iyo dhimashada ay dadka u gaysteen mooyee ka ay sumcada diinta u gaysteen, iyo dadwaynaha Soomaaliyeed siday wadaadada u nacsiiyeen ma fahamsanyihiin taloow? Intaas oo dhan kadib, kuwa dadka laynaaya, iyo kuwa aamusan ee daawanaaya iyamaa dambi wayn? Akhristayaasha ayaan u dhaafayaa!

Leave a comment

*