Ciidamada AMISOM iyo Kuwa DFKM oo Bam lagu weeraray

October 17, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ugu yaraan saddex qof oo ay laba ka mid ah yihiin askar ka tirsan ciidamada DFKM ayaa ku dhaawacmay weearar bam ah oo lagu qaaday xarunta  dhismaha jaamacada Gahayr oo saldhig u ah ciidamada AMISOM .

Weerarkan oo ahaa miino dhulka lagu aaso ayaa waxaa loo dhigay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM geed ay fariisan jireen oo ku yaal banaanka dhismahiii jaamacada Gahayr.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka xarun  dhismaha jaamacada Gahayr ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen dhimashada 2askari oo ka tirsan DFKM iyo mid dhaawac culus ah oo ay miinado ka goysay lugta .

Qaraxa ka dib ayaa waxaa rasaas badan riday ciidamada Burundi iyo kuwa DFKM waxaana ay rasaasta dhaawacday laba haween oo wadada marayey.

Ciidanka Al-Shabaab ayaa waxay badaleen dagaalkii tooska ahaa ay la gali jireen ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM waxayna u badaleen dagaal dhuumaaleysi ah iyo qaraxyo lala eegto xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamada  DFKM iyo kuwa AMISOM
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online