Ciidamada DFKM iyo kuwa ururka Raaskaambooni oo qabsaday Jaziirada Raaskambooni

October 20, 2011 - Written by

Kismaayo:-Ciidamada DFKM iyo kuwa ururka Raaskaambooni oo ay taageerayaan ciidamada dalka Kenya ayaa si nabadgelyo ay kula wareegay deegaanno  ka tirsan gobolka Jubbada hoose oo ay ka mid yihiiin deegaanka Xayo oo 30Km u jira degmada Afmadow iyo deegaanka Raaskaambooni oo qiyaastii 75km u jira degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose

Ciidamada Melatariga ee dalka Kenya ayaa waxaa ay la socdaan ciidamada DFKM iyo kuwa Raaskambooni waxayna saaka duqeyn culus ka geysteen Jaziirada Raaskambooni .Ciidmada Al-Shabaab ayaa baneeyey duqeynta ka dib deegaanada Raaskambooni waxayna ciidamadooda u dhaqaaqeen dhanka Badhaadhe.

Taliyaha ciidamada DFKM ee gobollada Jubooyinka C/qaadir Aadan Sanka iyo Gudoomiyaha Raaskambooni Sh Ahmed Madoobe ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ciidamadooda ay qabsadeen Jaziirada Raaskambooni waxayna sheegeen in duulaankooda uu ku wajahan yahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.

Dhanka kale Raisulwasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo shacabka Kenya kula haday garoonka weyn ee Nyayo Stadium ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan danbiilayaal ayna gacanta ku dhigeen ciidanka Kenya Jaziirada Raaskaambooni iyaga oo garabsanaya ciidamada daacad u ah DFKM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online