Ciidamo Beeleedyo isku hor fadhiyey Miyiga Degmada Rako oo la kala qaaday

October 10, 2011 - Written by

Qardho:-Isimo iyo waxgaradka ka yimid gobolka Karkaar oo kaashanaya masuuliinta Puntland ayaa waxay ku guuleysteen in ay kala qaadaan maleeshiyo beeleedyo ku dagaalamaya degmada Rako ee gobolka Karkaar waxaana la kala dhexdhigay ciidamo ka tirsan Puntland.Guddoomiye ku xigeenka gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Puntland ayaa xaqiijiyey in la kala qaaday ciidamadii labada beeleed ee walaalaha ahaa oo ay xur gufta ku dhexmartay deegaano hoos taga gobalka Karkaar.

Masuuliin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa haatan ku sugan Degmada Rako raaxo ee gobolka Karkaar waxaaa hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac (ilka Jiir) iyo weliba ergo , waxgarad , iyo nabadoono ka soo kala jeeda labada beelood ee ku dagaalamaya Degmada Rako raaxo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online