Ciidamo Kenyan ah oo gaaraya 400 oo ku sugan Duleedka Afmadow(Dhageyso)

October 17, 2011 - Written by

Kismaayo:-Dad degan gudaha Somalia ayaa sheegay in ciidamo Kenyan ah ay gudaha ugu sii durkeen qeybo ka tirsan Somalia, kaddib markii ay ka soo tallaabeen soohdinta si ay dagaal ugu qaadaan kooxda al-Shabaab.

Dadkan ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in ciidamo Kenyan ah oo ay taageerrayaan baabuurta gaashaaman ay ku sugan yihiin meel u dhow degmada Qooqaani.

Sarkaal ka tirsan kooxda Raaskaambooni oo ah maleeshiyo isbahaysi la ah ciidamada dowladda Somalia ayaa VOA u sheegay in ku dhawaad 400 oo askarta Kenya ay soohdinta Soomaaliya u gudbeen Jimcihii oo ay Axaddii shalay ay ku sugnaayeen gobolka Jubbada Hoose iyagoo markaasi taageerraya ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku sii durkayaan magaalada Afmadow oo ah magaallo ay kooxda al-Shabaab ka taliso.

Saraakiil Soomaali iyo Kenyan ah iyo goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay galeen Somalia oo taasina daba-socotay diyaar-garow ciidamadani ka wadeen xadka labada dal. Ciidamadan ayaa la sheegayaa inay taageerrayaan diyaaradaha militariga.

Dad ku sugan Libooyo- Kenya ayaa sheegay in diyaarad ay leeyihiin militariga Kenya ay ku burburtay fiidnimadii xalay oo Axad ahay degmada Libooyo-Kenya.

VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online