Ciidamo Kenyaan ah oo ka talaabay xadka iyo Al shabaab oo baneeyey degaanka Qooqaani

October 15, 2011 - Written by

Afmadow:Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Dhoobley ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidanka Milatariga ee dalka Kenya ay u talaabeen xadka Soomaaliya si ay xoojiyaan ciidamada DFKM iyo kuwa Raaskaambooni. Ciidamada dalka Kenya ayaa waxaa shalay amar lagu siiyey in ay ka talaabaan xadka Soomaaliya ka dib markii uu shirjaraa,id ku qabtay xafiiskiisa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga ee dalka Kenya George Saitoti.

Ciidanka Al-shabaab ayaa isla galabta waxaa ay ka war helleen guluf colaad oo ku soo wajahan fariisamahooda iyagoo eed u jeediyey dowllada Kenya kuna eedeeyey  in ay ku soo duusha dalka Soomaaliya qaybna ay ka tahay dagaalka ka socda Gobollda Jubooyinka.

Ciidanka DFKM oo lagu soo tababaray saldhigyo ku yaal dalka Kenya  iyo kuwa Raaskaambooni  oo uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo wata ilaa 30 gaari oo Tikniko ah ayaa galabta lagu dhex arkay iyagoo ku sugan degaanka Qooqaani iyagoo fariisamo ka samaystay duleedka magaalada iyo gudaheedaba.

Hoos ka eeg Video ciidanka Milateriga dalka Kenya oo xadka Soomaaliya u talaabaya

 Qabsashada ciidankaan huwanta ah ee Qooqaani ayaa ku soo beegmaysa xili saaka ay diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay duqeyn la bartilmaamsadeen fariisamo iyo difaacyo ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Qooqaani, Ilaa hadda ma jiro masuul sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka warbixyey ka bixitaanka ciidanka Al-shabaab deegaanka Qooqaani iyo weliba qabsashada galabta ay ciidanka DFKM iyo kuwa Raaskaambooni gudaha ugu galeen deegaanka Qooqaani.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya iyo wakaaladaha wararka ee Caalamiga ah ayaa maanta waxaa lagu daabacay in ciidanka Kenya ay ka talaabeen xada si ay dagaal ugu qaadaan Ururka Al-Shabaab,Dowlada Kenya ayaa waxay ka mid tahay dowladaha faragalinta ku haya Soomaaliya iyada oo soo hubeysa mar walba kooxo iska soo horjeeda si Soomaalidu aysan dowlad u helin.

Halkan ka Akhri DailyNation  Reuters

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online