Ciidanka AMISOM oo ilaa 6 askari looga dilay dagaalkii saaka ka dhacay Dayniile

October 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa saaka dagaal ay la galeen ciidamo huwan oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo DFKM waxaa ay  ku dileen askar ka tirsan Ciidanka AMISOM, Ciidanka Al-shabaab ayaa ku soo badhigay meydadka tirsan ciidanka AMISOM degaanka ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Askar laga dilay AMISOM ayaa meydkooda waxaa lagu jiiday wadooyinka dhexmara degaanka Ceelasha-biyaha ,ilaa 6 askari ayaa dadweynahu ay qabteen indhahooda iyadoo arrinkaan ay noqonayso khasaarihii ugu cuslaa ee soo gaara ciidanka shisheeye ee AMISOM ilaa intii ay awoodooda ciidan ay ku baahiyeen xaafada magaalada Muqdisho.

Dagaal xooggan oo saaka ka dhacay Degmada Dayniile ayaa waxaa khasaaro xooggan ka soo gaaray ciidanka AMISOM oo looga dilay ilaa 6 askari halka ciidanka Al-shabaab khasaaraha gaaray aysan soo bandhigin saraakiisha ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa insha Allahu

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,816 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>