Ciidanka AMISOM oo waqtiga loo kordhiyey

October 1, 2011 - Written by

Qaramada Midoobay ayaa shir ay yeesheen shalay waxaa ay mudo sanada ah u kordhiyeen ciidanka AMISOM in ay sii joogi karaan magaalada Muqdishoi caasimada dalka Soomaaliya ciidanka AMISOM ayaa loo asteeyey in joogi doona Soomaaliya ilaa 31-ka bisha October 2012. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa kale oo ay isku raaceen in ciidanka AMISOM tiradooda la gaarsiiyo ilaa 12 kun oo askari halka markii hore la qorshuhu ahaa  in ay noqdaan ilaa 9000 kun oo askari

Midowga Afrika ayaa waxaa ay codsi u gudbiyeen Golaha amaanka iyagoo ka codsay in ciidanka AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo askari,  Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in codsiga  Midowga Afrika ay dib ugu eegi doonaa shirarka soo socda.

Muddo kordhinta ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaysa xili dagaalo ay dib uga cusboonaa deen Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose , dalaka Soomaaliya darska la ah ayaa qorsheynaya in ay ku soo biiraan cidanka AMISOM si taageero dhaqaale iyo mid Milateriba ay uga hellaan dalka Maraykanka iyo dalalka kale oo reer galbeed ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>