Ciidanka Booliska Boosaaso oo gacanta ku dhigay mid ka mid ah raggii dhaawacay Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’adaha ee SPU-da

October 8, 2011 - Written by

Boosaaso:-Ciidanka Booliska ee degmada Boosaaso ayaa goor dhow waxaa ay gacanta ku soo dhigeen nin saaka dhaawacay Taliyihii ciidanka  ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan. Taliyaha guud ee ciidamada Booliska iyo Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar oo dhawaan la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Booliska Boosaaso ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan mid ka mid ah koox dablay ah oo saaka dhaawac u geystay Taliyihii ciidamada ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska iyo Asluubta dowllada Puntland Cali Nuur Cumar Saalax ayaa saxaafad u sheegay in ciidanka Booliska Boosaaso ay baadigoobayaan  raggii falkaan ka danbeeyey oo la aqoonsaday waxaan uu sheegay in ciidanku ay wadaan howl gal balaaran dhawaaan la filayo in lagu guulaysto in la soo qabto.

Taliyaha guud ee ciidanka Booliska iyo Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax ayaa xusay in ninka ay ciidanku soo qabteen uu  falkaan qirtay kana mid ahaa kooxda weerarka la beegsady Taliyihii ciidanka ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan isagoo sheegay in weerarka ay ku weheliyeen ilaa 3 nin oo kale.

Taliyihii ciidamada ilaalada Hay’adaha ee SPU-da Mursal Xaaji Saleebaan ayaa saaka waxaa lagu weeraray agagaarka afar irdoodka ee xaafadda New Bossaso waxaan soo gaaray dhaawac culus isaga iyo nin ilaalo ah oo la socday,dilalka  ka dhaca Boosaaso ayaa inta badan ah kuwo salka ku haya aanooyin qabiil iyo mid siyaasadeed oo ay fuliyeen koox doonaysa in ay wiiqaan nabadgelyada ka jirta degaanada Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online