Ciidanka Dalka Kenya ee ku duulay Gobolka J/hoose oo Muuqaal laga soo duubay (Daawo Video)

October 23, 2011 - Written by

Kismaayo:-Waxaa isa soo taraya duulaan cad ee ay ciidanka Kenya ku soo qaadeen gobalka J/hoose xili ay masuuliin ka tirsan DFKM ay inkiraad ku dhufteen in ay ciidanka dalka Kenya ay ka soo talaabeen xadka dalka Soomaaliya .Wariye ka tirsan TV KTN ayaa waxaa u socdaal ku tegay Degmooyinka Dhoobley, Qooqaani iyo Taabta waxaana uu si muuqaal ah u soo tabiyey ciidanka Milateriga dalka Kenya iyo kuwa huwanta ee DFKM iyo Raaskaambooni oo ku sii qulqulaya kuna sugan gudaha Soomaaliya.

Wariyaha ka tirsan KTN ayaa sidoo kale indhihiisa ku soo arkay dhaawac ka tirsan ciidanka DFKM oo lagu dabiibayo gudaha Soomaaliya, sarkaal ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay in ay ku sii socdaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose. Dhanka kale Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay diyaarada kuwa dalka Kenya ah oo duqeyn ka geystay maanta gudaha magaalada Kismaayo waxayna sheegeen in duqeyntaas ayna cidna wax ku noqon ayna ahayd duuleen fulay nimo ah.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Ciidanka Kenya oo ku sugan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Qooqaani iyo Taabta.

 

Hoos ka Daawo Video kale oo cadaynaya gelitaanka  ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya

 A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online