Ciidanka ururka Al-shabaab oo ka baxay degmada Afmadow

October 16, 2011 - Written by

Kismaayo:-War hordhac ah oo saaka soo gaaray xafiiska warqabadka ee Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidanka ururka Al-shabaab ay xalay ka baxeen degmada Afmadow iyagoo ciidankooda u kala jihaysteen degaanka Bu,aale iyo Kismaayo.

Ciidanka Al-shabaab ayaa xalay degmada Afmadow kala baxay wixii hub iy Tikniko ahaa oo u taalay magaalada iyagoo  ka fooji gan weerar uga yimaada ciidanka DFKM iyo kuwa Raaskaambooni oo gacan ka hellay ciidanka dalka Kenya oo shalay ka soo gudbay xadka dalka Soomaaliya .

Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya ayaa waxaa ay maalmahaan duqeyn kale duwan ay ka geysteen fariisamo ay ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Qooqaani iyo degaanada ku xeeran, ciidanka Al-shabaab ayaa isku diyaarinaya dagaal dheer oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah haddii culus ka ciidan uu  ka soo fuulo dhinaca ciidanka dowllada Kenya iyo kuwa DFKM ,kuwa Raaskaambooni.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkala soo socod siin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Allaw yaa hashu markay halkaas mareysay leexiya…inta aanay gebiga ka dhicin, waa murti soomaaliyeed oo wax ku ool ah shalay meel heblaayo ayay ka baxeen, maantana meel heblaayo…berrina maxaa xigi doona,saw maahan midii culimadu ka digeysay ee ay inbadan ka hadleysay in aan loo dhar dhiaganin wax aan soconayn oo cadawgaaga laga xeeladeysto marka uu kaa xoog badan yahay, hadii itoobiya soomaali isugu tagtay oo maalkoodii iyo awoodoodii oo dhan ku bixiyeen iyo qabqablayaashii ka horreeyey oo soomaali wixii xoog iyo xiniin ay haysay ku beeleen sidii ay iyadoo dulleysan uga huleeshay soomaaliya, soomaalina ku cayrtowday halkaas itoobiya lagu saarey, hadiiba ilaahay cadawgaas soo jireenka ah naga saaray, saw gar iyo caqli ma ahayn kuwa bujunbuura ka yimid iyo kampala loo caga warejiyo oo iyaga naftoodu ahaa wax aad u yar marka hadda loo fiiriyo soomaali culimadeedii iyo caamadeedii iyo dagaalyahaniinta oo dhami midoobaan oo la yiraahdo war intaas nagaga baxa annagu soomaali hadaan nahay waxba isuma haysanee…. saw saas ma habooneyn ?
    laakiin maxay kuugu taallaa niman iyagu wax kale aan u muuqan ayaa wax walba oo caqli iyo cilmi ahaa badda ku daray oo oraah ka dhigtay “NINKAAN NAGU SOO BIIRIN DAADKAA QAADAY” waad fahmeysaan baan filayaa waxaan u jeedo, macnaha waa shabaab iyo sh xasan daahir , oo iyagu wax walboo maslaxad lagu raadinayey gacanta ku dhuftay xabbadii ugu horreysay ee soomaali baabiisayna ka dhex ridday walaalihii shalay dhufeys ku wada jirey, magacay doonaanba ha lahaadaane oo dhiigoodii isbanneystay, ilaa maanta ay mareyso in alshabaab wixii dorraad loogaga digayey ay maanta gacanta ku hayaan oo dhulna aanu u joogin dhabarna aanu u fayoobeyn markaasaa markey gaalo madow oo dhan soomaaliya kusoo ururiyeen oo caruurtii yaryareed dhamaatey aad maqleysaa maali kasta meel heblaayo ayaa ay ka baxeen….wallee soomaali waxay hore u tiri TALO WALAALEED NINKII DIIDA TURRAANTURRO MA HURO..” berrina maxaa ku xigi doona..

  2. ASCW aad baan usoo dhoweynayaa in Al-shabaab lala dagaalamo waayo waa dhibaato wadankeena kusoo korortay.

Leave a comment

*