Dagaal saaka ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa.

October 8, 2011 - Written by

Sabti, Oktoobar 08, 2011 (Halgan) Waxaa saaka iska horimaad hubeysan uu ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee ku yaal dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen saaka fariisamo ay ciidanka Al-shabaab ay ku lahaayeen degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaan ilaa hadda la  aqoon khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka blase Sarkaal u hadlay DFKM ayaa sheegtay in ciidanka DFKM ay qabsadeen fariisamo hore leh oo ku yaal degmada Kaaraan isagoo xusay in ciidankoodu ay gaareen ilaa Isbitaalka Keysanay iyo deegaanka galgalato.

Sarkaalka u hadlay DFKM ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ciidanka DFKM ay horumar ka sameyeen dagaalkii ka dhacay saaka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in ciidanka DFKM ay dileen askar ka tirsan ciidanka Al-shabaab

Dhinac kale Sarakaal u hadaly ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay weerar ku soo qaadeen fariisamahooda bals e ay dib iskaga waabiyeen khasaarana ay gaarsiiyeen ciidankii soo weeraray welina ay iyagu ku sugan yihiin fariisamahooda.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in cidanka AMISOM ay madaafiic naxariis daro ah ay ku garaaceen xaafadaha Waqooyi ee magaalada Muqdisho, goob jooge ku sugan degmooyinka ay dagaalku ka dhaceen gaar ahaa degmada Kaaraan oo la hadlay idaacadaha ka howl gala Muqdisho qaarkood ayaa u sheegay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay soo gaareen ilaa Isbitaalkii Keysanay dagalkuna uu hadda xoogga qaboobay

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online