Dagaal ka socda Xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho

October 10, 2011 - Written by

Muqdisho:-Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa saaka waxaa ay weerar ku qaadeen fariisamo difaac oo ay ciidanka ururka Al-shabaab ay ku lahaayeen jidka isku xirta magalaada Muqdisho iyo Balcad , dagaalka saaka ayaa ciidanka AMISOM waxaa ay is ticmaaleen Taangiyo iyo madaafiic culus iyadoo ciidanka Al-shabaab uu dagaalkoodu ahaa mid dhuumaalaysi ah oo ay xabada ka soo ridayeen jiha walba.

Ciidanka AMISOM oo wata Taangiyo iyo kuwa DFKM ayaa ku soo fiday lana wareegay Warshada Baastada iyo wadada isku xirta magaalada Muqdisho  iyo Shabeellada Hoose. Sarkaal u hadlay ciidanka DFKM ayaa saxaafad u sheegay in ciidankooda ay la wareegeen Soos, Suuqa Xoollaha iyo gabi ahaan degmada Huriwaa.

Dagaalka saaka ayaa waxaa lagu arkay Shiikh Xassan Daahir Aweys oo hogaaminaya dagaalka iyadoo dagaalka saaka uu yahay mid culus ciidanka Al-shabaabna ay gurmad badan soo geliyeen farumaha dagaalka. 

Dagaalka  saaka ayaa ciidanka Al-shabaab waxaa ay sheegteen in ay hal Taangi ka gubeen ciidanka AMISOM iyagoo ku qasbay in Taangiyadoodu dib uga noqaan goobaha dagaalka , dirirta ayaa ah mid xooggan ilaa hadda khasaaraha kala gaaray lama garan karo  balse saacadaha soo socda baan idiin soo gudbin doonaa warka oo faahfaahsan. 

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online