Dagaal u dhexeeyey ciidanka ururka Al-shabaab iyo kuwa Raaskaambooni , DFKM oo ka soconaya degaanka Taabo

October 13, 2011 - Written by

Afmadow:-War naga soo gaaray magaalda Kismaayo ee xarunta jubada hoose ayaa sheegay in dagaal xooggan uu ka socdo degaanka Taabo ee oo ka tirsan degaanka Afmadow, dagalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa DFKM  a weerareen fariisamo ay ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Taabo.

Goob jooge ku sugan degaanka Jubada Hoose  ayaa saxaafada u xaqiijiyey dagaalka wuxuuna sheegay in dagaalku uu yahay mid xooggan oo 2 dhinac ee dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka kan fudud iyo kan culus,Dagaalka saaka ayaa waxaa ku dhin tay ilaa 15-qof oo dhinacyadii dagaalmay ka tirsan iyaddoo ay jiraan khasaaro soo gaaray dad rayid ah oo aan dagaalka qayb ka ahayn, dagaalka ayaa ka dhacay  deegaanka Taabto oo qiyaastii u jirta ilaa 60 KM degmada Dhoobley.

Afhayeenka u hadlay ururka Raaskambooni C/naasir Seeraar oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in ay ciidanka Al-shabaab ay ka qabteen Saraakiil dagaalka hogaaminaysay isagoo sheegtay in ay dileen ilaa 40 askari oo ka tirsan ciidanka Al-shabaab. C/naasir Seeraar ayaa sheegay in dhinacooda ay ka dhinteen ilaa 4 askari qaar kalena ay ka dhaawacmeen isagoo xusay in ciidankoodu ay ku wajahan yihiin degmada Afmadow.

Dhinaca Saraakiisha Al-shabaab ayaan iyagu ilaa hadda ka hadal guulaha ay sheegteen ciidanka DFKM iyo Raaskaambooni ee dagaalku dhexmaray balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in hogaanka ururka Al-shabaab ay ka hadlaan dagaalka.

Dagaalka ayaa hadda is taagay waxaan ka dhashay  khasaaro badan oo soo kala gaaray 2 dhinac ee dagaalku dhexmary oo qolo walba ay ku dadaalaysay in ay  giuul ka gaaraan dagaalka ama qabsadaan
goobaha uu dagaalku kudhacay ee degaanka Taabo eek u taal galbeedka gobolka Jubbada hoose.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online