Deegaanka Taabto ee gobolka Jubada hoose oo saaka degan

October 14, 2011 - Written by

Kismaayo:-Waxaa maanta laga dareemayaa deganaasho aan cago badan ku taagnayn Deegaanka Taabto ee gobolka J/hoose xili shalay dagaal culus uu ku dhexmaray ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidamo huwan ah oo ka kala tirsan Ururka Raaskaambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo ciidamo sheegay in ay ka tirsan yihiin DFKM.Guddoomiyaha  ururka Raaskaambooni Axmed Madoobe ayaa xalay sheegtay in ciidankiisu ay la wareegeen degaanka Taabto oo ah goob istaraatiiji u ahayd ciidanka huwanta ah ee dagaalka la galay shalay ciidanka ururka Al-shabaab.

Saraakiisha horkacaysa ciidanka huwanta ah ayaa waxaa ay iyagu doonayaan in culus ciidan ay saaraan ciidanka Al-shabaab oo dagaal culus uga furan yahay magaalada Muqdisho si ay uga fara maroojiyaan Gobollada Jubooyinka. Dagaalkii shalay dhacay ayaa  waxaa ka dhashay khasaaro fara badan oo soo kala gaaray 2-da dhinac ee dagaalku dhexmaray waxaan ku dhintay ugu yaraan ilaa 20 qof xili dhaawacu uu ku dhow yahay ilaa 100 qof ku dhawaad.

Dhinacyada uu dagaalku dhexmaray ayaa qolo walba waxaa ay wadaa abaabul ciidan iyo in guluf colaadeed ay ku kiciso qolada kale, dagaalka u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ururkay rabaanba ha sheegtaane ayaa culimada dalka Soomaaliyeed ay ka digeen in laga qayb qaato iyagoo sheegay in dagaalkaas uu yahay mid fidno ah loona baahan yahay in dhalinyaradu ay ka fogaadaan xoogoodana ay u kaashadaan dadka cadowga ku ah jirtaanka umada Soomaaliyeed  iyadoo wixii diin ku saabsan looga danbaynayo culimada cilmiga u leh.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online