Dhakhaatiir lagu xiray Nairobi oo maanta la sii daayey

October 25, 2011 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta Xabsi ku yaal magaalada Nairobi laga sii daayey labo Dhakhaatiir oo maalmo ka hor ay xireen Sirdoonka ciidanka Kenya , Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa damiin ku sii daysay 2-daan Dhakhaatiir. Qareen dowlladda Kenya ayaa dacwo ku soo oogay Dr. Cali Cumar Saalim iyo Dr. Aadan Xasan Hiilow in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab isagoo codsaday in xabsiga lagu sii hayo 2-daan Dhakhaatiir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaali.

Looyaro difaacayey 2-da Dhakhaatiirta ah ayaa dood adag la galay qareenkii dacwada ku soo oogay 2-daan Dhakhaatiir iyagoo ku guulkaystay in ay Maxkamada ku qasbaan in ay sii dayso maadaam wax cadaymo ah oo rasmi ah aysan keenin. Dr. Cali Cumar Salim iyo Dr. Adan Hassan ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyey in aysan shaqo ku lahayn danbiga loo xiray wax xiriir ahna aysan la lahayn ururka Al-shabaab.

Dowllada dalka Kenya ayaa ilaa intii ciidankeedu ay galeen dalka Soomaaliya waxaa ay bilaabeen howl galo lagu xirxiray dadka Soomaaliyeed si ay iskugu furtaan lacag  iyadoo dadka lagu handadayo in lagu soo oogi doono in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab arrintaas oo dad badan ku abuurtay cabsi iyo welwel.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online