Dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda oo saaka ka jira duleedka Muqdisho

October 11, 2011 - Written by

Afgooye:-Ciidanka Al-shabaab ayaa soo dhoobay ciidamo fara badan jidka dheer ee u dhexeeya magaalada Muqdisho iyo Afgooye, ciidanka Al-shabaab ayaa baaraya gaadiidka iyo dadka raba in ay u gudbaan deegaanka Ceelasha Biyaha. Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa saaka wada dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku xoojiyaan fariisamaha ay isku horfadhiyaan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM, dad fara badan ayaa saaka ka barakacaya degaanadii shalay uu dagaalku ka dhacay gaar ahaan degmada Dayniile iyo Suuqa Xoolaha oo ay weli ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Dhinac kale ciidamo ka tirsan kuwa DFKM ayaa saaka soo gaaray Ex-Kontrol Afgooye iyagoo ka samaystay difaacyo ka dib markii ciidanka Al-shabaab ay xoojiyeen gacan ku haynta duleedka magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin dadka ka barakacay dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho.Dadka ku nool deegaanadaas ayaa saxaafada u sheegay in ay arkeen ciidamo ka tirsan DFKM oo ku sugan xaruntii hore ee Ciidanka Asluubta iyo dhulka howdka ah  iyagoo qaar ay saaran yihiin  gaadiidka dagaalka halka kuwa kalena ay lugeynayeen.

Dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Ceelasha biyaha ayaa waxaa soo wajahday cabsi iyagoo ka baqay in uu dagaalku ku soo fido goobaha ay ku nool yihiin,ciidanka Al-shabaab ayaa dadka odorasa siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan in haddii culays ciidan uu kaga yimaado ciidanka AMISOM ay ka bixi doonaa Ceelasha biyaha iyagoo geli doona dhulka howdka ah bilaabina doona dagaalka dhuumaalaysiga ah ee ku dhufo oo ka dhaqaaq oo ah dagaal aad ugu adkaan doona ciidanka AMISOM.

Wixii soo kordha dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa insha Allaah

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online