Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM oo duulaan ku qaaday Degmada Dayniile

October 20, 2011 - Written by

Muqdisho:-Khamiis, Oktoobar 20, 2011 (Halgan) — Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan ciidanka AMISOM ayaa saaka waxaa ay weerar ku qaadeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ka mid ah degmooyinka ay weli ku sugnaayeen ciidanka Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM oo taageeraya kuwa DFKM ayaa waxaa ay saaka madaafiic iyo hubka culus ku garaaceen degmada Dayniile iyadoo dadkii ku noolaa degmada ay bilaabeen in ay iskaga cararaan . Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa dagaalkoodu uu yahay mid ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa iyagu wax iska cabin xooggan ah kala hortegin marka laga reebo weeraro dhowr ah o ay ku qaadeen ciidanka AMISOM saaka ku soo duulay degmada Dayniile .

Saraakiil u hadlay ciidanka DFKM ayaa sheegay in ay inta badan degmada Dayniile ay la wareegeen iyagoo sheegay in ay qabteen dad fara badan oo ay uga shakisan yihiin in ay ka tirsanaayeen ciidanka ururka Al-shabaab, Ciidanka Al-shabaab ayaa horay u sheegay in ay wax ka bedaleen dagaalkii ka socday magaalada Muqdisho iyagoo sheegay in tabo cusub oo dagaal ay dejiyeen kuna dagaalami doonaa ciidanka shisheeyey iyo kuwa DFKM ee ku sugan magalada Muqdisho.

Goob jooge ku sugan degmada Dayniile ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay gudaha u soo galeen degmada Dayniile waxaan ay la wareegeen xaafadda Bangala iyo xaruntii degmada Dayniile ,Saldhiga Dayniile, iyagoo ku dhawaaday Isbitaalka degmada Dayniile.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online