Dibadbax looga soo horjeedo Sh Shariif oo ka dhacay Dhoobley iyo Garisa

October 25, 2011 - Written by

 Dhoobley:-Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka dhacay maanta Degmada Dhoobley waxaana isku soo baxay dadweyne aad u tiro badan. 

Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay kooxaha la dhacsan in ciidankaKenya ay soo galaan garabna siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ururka Al-Shabaab . Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Haween, Carruur, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin ka kala tirsan  DFKM  iyo ururka Raaskaambooni.

Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka hadlay banaanbaxii ka dhacay Degmada Dhoobley ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed mid aad looga xumaado , Suldaanka ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay garab ku siiyeen kuwa DFKM si ay uga  dulqaadeen ciidanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye , Suldaan Cabdi Cali Sokor ayaa sheegay in ay haatan xoryihiin deegaanada Dhoobley Qooqaani iyo Taabta.

Suldaanka ayaa sidoo kale baaq u jeediyey Xildhibaanada ka soo jeeda J/hoose iyo Gedo in ay ka hadlaan hadalka Madaxweyne Shariif Sh Ahmed wuxuuna wacad ku maray in xildhibaanada ay kala laaban doonaan kalsoonida hadaysan ka hadal mowqifka madaxweyne Shariif.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online