Diyaarado duqeymo ka shalay geystay deegaanka Qooqaani ee gobalka J/hoose

October 8, 2011 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya  magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in diyaarado kuwa wax basaasa ee laga leeyahay dalka Mareykanka ay shalay duqeymo ka geysteen deegaanka Qooqaane  iyo Taabta oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab. Diyaaradaha  loo yaqaano DRONES ayaa duqeynta ay geysteen waxaa ku dhintay ilaa  29 qof oo iskugu jira xoolo dhaqato iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab sida wariyaha Halgan.net ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Duqeynta ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay ilaa 28 qof  oo u badan dad xoolo dhaqato ah .Ciidamada Al-shabaab ayaa soo gaaray goobta la duqeeyey waxaana ay heegan galiyeen ciidamada difaaca kaga jiray deegaanka Taabto.Ciidamada DFKM iyo Ururka Raaskambooni ayaa dagaal kula jira ciidamada Al-Shabaab ee haatan gacanta ku haya inta badan gobalka J/hoose .

Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowlada Kenya ayaa soo buuxiyey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaana saaka oo dhan dul heehaabayey degmada Dhoobley  diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online