Diyaarado duqeyn u geystay Dekkada iyo goobo kale oo ku yaal Kismaayo

October 23, 2011 - Written by

Kismaayo:War hordhac ah  oo naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyaarado aan ilaa hadda la aqoon cida  iska leh ay duqeyn ka geysteen magaalada Kismaayo, diyaaradahaan ayaa waxaa la sheegay in ay bartilmaamsadeen dekkadda iyo Saldhiga Booliska eegaalada Kismaayo.

 Diyaaradahaan ayaa waxaa ay ka soo duuleen Jazeeradaha ku dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaan ay si xooggan u duqeeyeen Dekkada magaalada Kismaayo iyo  Saldhiga Booliska ee magaalada , diyaaradahaan ayaa  waxaa iska leh ciidanka cirka ee dalka Kenya ,dowllada dalka Kenya ayaa  iyagu si cad u sheegay in ay dagaal la geli doonaa ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu gacanta ku haya inta badan Gobollada Koonfureed iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Duqeynta ay maanta ka geysteen diyaaradah dalka Kenya magaalada Kismaayo  ayaa aad looga maqlay gudaha magaalada Kismaayo waxaan dadka shacabka ah la soo darsay cabsi iyo welwel ay ka qabaan  in diyaaradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwa reer Galbeedka ay duqeyn  u geystaan magaalada Ksimaayo oo ah magaalo aad u camiran.

Ma jiraan ilaa hadda masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii duqeynta ahaa ee ay dhawaan diyaaradaha dalka Kenya ay la bartilmaamsadeen goobo muhiim u ah dadka rayidka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

 A\Cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online