Diyaarado duqeyn u geystay Dekkada iyo goobo kale oo ku yaal Kismaayo

October 23, 2011 - Written by

Kismaayo:War hordhac ah  oo naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in diyaarado aan ilaa hadda la aqoon cida  iska leh ay duqeyn ka geysteen magaalada Kismaayo, diyaaradahaan ayaa waxaa la sheegay in ay bartilmaamsadeen dekkadda iyo Saldhiga Booliska eegaalada Kismaayo.

 Diyaaradahaan ayaa waxaa ay ka soo duuleen Jazeeradaha ku dhow xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaan ay si xooggan u duqeeyeen Dekkada magaalada Kismaayo iyo  Saldhiga Booliska ee magaalada , diyaaradahaan ayaa  waxaa iska leh ciidanka cirka ee dalka Kenya ,dowllada dalka Kenya ayaa  iyagu si cad u sheegay in ay dagaal la geli doonaa ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu gacanta ku haya inta badan Gobollada Koonfureed iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Duqeynta ay maanta ka geysteen diyaaradah dalka Kenya magaalada Kismaayo  ayaa aad looga maqlay gudaha magaalada Kismaayo waxaan dadka shacabka ah la soo darsay cabsi iyo welwel ay ka qabaan  in diyaaradaha dagaalka ee Kenya iyo kuwa reer Galbeedka ay duqeyn  u geystaan magaalada Ksimaayo oo ah magaalo aad u camiran.

Ma jiraan ilaa hadda masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka hadlay weerarkii duqeynta ahaa ee ay dhawaan diyaaradaha dalka Kenya ay la bartilmaamsadeen goobo muhiim u ah dadka rayidka ah ee ku yaal magaalada Kismaayo.

Warkaan oo faah faahsan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa insha Allaahu.

 A\Cawaale
Halgan.net

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. A/c salaan kadib aad ayaan oga xumahay ineey kenya ku soo xad gudubto somalia waa dowladii 5aad oo ku soo dhiirato ineey na ixtilaasho,

    waxaan leeyahay meeyey ragii culimada inoo ahaa miyaanan laga hadli doonin kardaradan qaawin oo ku wajahan wadankeenii?????

Leave a comment

*