Diyaarado reer Galbeed ah oo duqeyna ka geystay Degaanka Qooqaani

October 15, 2011 - Written by

Kismaayo:-Waxaa maanta mar kale duqeyn ka geystay degaano ka tirsan Jubada hoose diyaarada la filayo in ay leeyihiin ciidanka cirka ee  dalka Marayka , diyaaradahaan ayaa waxaa ay bartilmaamsadeen degaanka Qooqaani fariisamo ay ku leeyihiin ciidanka Al-shabaab iyadoo ilaa hadda la aqoon khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Diyaaradaha laga leeyahay dalalka reer Galbeedka ayaa waxaa ay duqeymo kale duwan ka geysteen gobollada ay gacan ta ku hayaan ciidanka Al-shabaab iyagoo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay u geysteen dad xoolo dhaqto ah iyagoo qaarka qafaashay.

Duqeynta ciidanka reer galbeedka ay ka geysanayaan degaano ka tirsan Jubada hoose ayaa ku soo beegmaysa xili ciidamo huwan ah oo ka kala tirsan DFKM iyo kuwa Raaskaambooni ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Madoobe ay dulaan ku yihiin Gobollada Jubooyinka ee ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa  waxaa laga dareemayaa saaka degaanka Qooqaani oo laga cabsi qabo in ay ku dagaalamaan ciidamo huwan ah oo ka tirsan DFKM ,kuwa Raaskaambooni iyo ciidanka ururka Al-shabaaab dadka shacabka ah eek u dhaqan degaanada hoos taga Afmadow iyo Dhoobley ayaa u barakacaya xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya halkaas oo ay ku jiraan xerooyin ay dowllaada Kenya lacag fara badan uga hesho beesha caalamka.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online