Duqii hore ee Beledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) oo la dilay

October 5, 2011 - Written by

Gedo:-Waxaa maanta lagu dilay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Duqii hore ee degmadaas Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus), guddoomiyaha ayaa waxaa dilay 2 nin oo ku hubaysan bistooladoo  iyagoo markii dilka ay fuliyeen goobta ka baxsadeen, Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa Duqii hore ee degmada Beledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka dib markii loola cararay Isbitaalka magaalada Beledxaawo.

Alla ha u naxariistee Duqii hore ee degmada Baledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus)ayaa in mudo ah waxaa uu ka soo shaqeynayey gudaha magaalada Baledxaawo  xiliguu uu madaxweynaha DFKM ahaa Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus )ayaa xilka iska casilay  ka dib markii ay ururka Al-shabaab ay la wareegeen magaalada Beled xaawo .

Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay dilka Duqii hore ee degmada Baledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) waxaana la filayaa in lagu aaso isla maanta magaalada Beledxaawo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online