Gacan ku dhiigle dilay Nabadoon Xassan Waloore oo lagu qisaasay Garoowe

October 22, 2011 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta lagu qisaasay  magaalada Garoowe gacan ku dhiigle C/laahi Isaaq Cali oo horay ugu dilay magaalada Gaalkacyo  allaha u naxariistee Nabdoon Xassan Waloore ka mid ahaa nabadoonada Gobolka Mudug. Dilka gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada Garoowe ,dilkaan qisaasta ah aya waxaa ka soo qabgalaydadweyne fara badan iyo  masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Nugaal oo uu horkacyey Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab).

Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali(Qarjab)oo la hadlay saxaafada ayaa u sheegay in dilka qisaasta ah uu maanta fuliyey wiil uu dhalay allaha u naxariistee Nabadoon Xassan Waloore isagaa qisaasta ku fuliyey ninkii aabihiis dilay sida shareecada Islaamka ay qabto, Guddoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa u sheegay dadweynaha in cid walba oo dil geysta iyagana la dili doono isagoo xusay in boqolaalka ku jira Xabsiyadda Puntlland dhawaan sharciga la horkeeni doono.

Gacan ku dhiigaha la dilay Cabdilaahi Isaaq Cali ayaa waxaa soo qabtay ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo waxaan ay u soo gudbiyeen magaalada Garoowe iyadoo ay maxkamada darajada koowaad ee Garoowe ay ku xukuntay dil halka kuwa siiyey lacagta ama u diray in uu fuliyo dilka ay ku riday dhowr sanno oo xariga  ah.

Dilka qisaasta ah ayaa noqonaya dilkii ugu horeeyey oo qof lagu eedeeyey  in uu ka tirsan yahay Al-shabaab lagu fuliyo  arrinka dilka qisaasta ah ayaa waxaa aad u soo dhaweeyey dadweynaha  ku nool degaanada kale duwan ee Puntlland.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. ma is waydiisay waxa shareecadu ka qabto in la dilo ninkii ninka dilay kii lacagta ku bixiyeyna la xiro, xageese laga qaatay xukunkan in, li anna labaduba waa gacan ku dhiiglee.

  2. Shabakada maxaa loo wada caddayn waayey ….

  3. waa arrin farxad leh waxaanse anigu kasiijeclaanlaanlahaa kuwii soodirayna inlagudaro sababtoo ah sababta dilka ayagaa lahaa waafidmawadayaal fidmaduna waxay kuharikartaa ayagoo ladilo shareecadu waxay cadaynaysaa hadii 10qof iyo waxkabadanba aywaxdilaan inlawadalaayo wabillaahi towfiiq

Leave a comment

*