Gacan ku dhiiglihii dilay Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore) oo dil lagu xukumay

October 5, 2011 - Written by

Garoowe:-Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku ridey gacan ku dhiiglihii dilay allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore) oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa saxaafada u sheegay in dil toogasho ah lagu fulin doono gacan ku dhiigle Cabdilaahi Isaaq Cali oo horaantii  bishii August magaalada Gaalkacayo ku diley Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore).

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa u sheegay saxaafada in gacan ku dhiiglaha mudo badan lagu waday baaritaan uuna qirtay in uu dilay Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore). Mar saxaafada ay wax ka weydiisay sababta uu gacan ku dhiigluhu u dilay Nabadoonka Waloore ayaa waxaa uu ku gaabsaday in ay jiraan rag badan oo lacag la siiyey dilalna ka fuliyey Puntlland qaarkoodna gacanta lagu dhigay sharcigana la marin doono dhawaan marka ay soo dhamaadaan baaritaankooda.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa lagu dilay masuuliyiink ka tirsan maamulka Gobolka Mudug waxgarad ,Nabadoono iyo rag qiimo ku leh bulshada reer Gaalkacyood dhexdeeda ilaa haatan cida dilalkaas sida rasmiga ugu lug leh ma cada marka laga reebo tuhun iyo dilal ku salaysan aanooyin qabiil.

M_M Deeq
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. ascww waxaad ogaataan maamulkatoo xun waxaa ka xun maamul la,aan marka bulshada reer puntland waxa ku boorinayaa iney ilaashadaan amaankooda iyo wada jirkooda hadaan amaan la helin ogow horumar ma jirayo qolyaha mamulka hayona ha ogaadeen ilaahay hortiis iney tegayaan maalin maalmaha ka mid ah waxna laga weydiin doono ummada ay xilka u qaadeen masuuliyada ugu weynina ay saaran tahay ina shiikh mohamed faroole ha ogaado nin xil qaday eed qaad!

  2. waa ogtihiin in ay shalay dad aan waxba galabsan ku layeen muqdisho oo ay misana ku fanayeen waxaas iyo wax la mid ah ayey wadanka ka sameeyaan wiilashan iyagaa lacag siiya ee raga puntland jooga oo la shaqeeya ha la soo taago maxkamad kan dila iyo kan lacagta siiyaa waa isku mid hadaanay reer puntland la shaqayn dadka wax laaya wax ma layn kareen ee dad faro badan ayey ku lee yihiin puntland ee baaritaanka hala badiyo dawladuna shacabka ha kasbto hadaan lawada shaqayn amaan lama sugi karo in kastoo faroole lagu ee dayo in uu lacag urursado misana nadaam baa meesha ka jira ee hala is kaashado rajigaas ayaan qabaa.

  3. waxaan u sheegayaa bahda saxaafa in ay runta ka sheegaan waayo ninkani keligiis ma diline lacag ayaa lasii yey waaana la ogyahay cida dishey ee yaan qabiil lagu soo gaban khawaarijta alshabaab ayaa dadka laysa oo waa laogyahaye reer butland ha iska cesheen khawaarijta alshabaab

  4. Ninkaa keligi dil ma gaysan … muxuu u diley yaaase soo direy .. yaan xaqiiiqda la qarin

Leave a comment

*