Gacan ku dhiiglihii dilay Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore) oo dil lagu xukumay
October 5, 2011 - Written by
Garoowe:-Maxkamadda derajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta xukun ku ridey gacan ku dhiiglihii dilay allaha u naxariistee Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore) oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa saxaafada u sheegay in dil toogasho ah lagu fulin doono gacan ku dhiigle Cabdilaahi Isaaq Cali oo horaantii bishii August magaalada Gaalkacayo ku diley Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore).
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa u sheegay saxaafada in gacan ku dhiiglaha mudo badan lagu waday baaritaan uuna qirtay in uu dilay Nabadoon Xasan Xuseen Xasan (Waloore). Mar saxaafada ay wax ka weydiisay sababta uu gacan ku dhiigluhu u dilay Nabadoonka Waloore ayaa waxaa uu ku gaabsaday in ay jiraan rag badan oo lacag la siiyey dilalna ka fuliyey Puntlland qaarkoodna gacanta lagu dhigay sharcigana la marin doono dhawaan marka ay soo dhamaadaan baaritaankooda.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxaa lagu dilay masuuliyiink ka tirsan maamulka Gobolka Mudug waxgarad ,Nabadoono iyo rag qiimo ku leh bulshada reer Gaalkacyood dhexdeeda ilaa haatan cida dilalkaas sida rasmiga ugu lug leh ma cada marka laga reebo tuhun iyo dilal ku salaysan aanooyin qabiil.
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

