Golaha Wasiirada DFKM oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho

October 11, 2011 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta shir iskugu yimid Golaha wasiirada DFKM iyagoo warbixino kale duwan  ka dhagay stay Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli  Maxamed  Cali Gaas oo safaro kale duwan ku soo kala bixyey wadamo kale ah Maraykanka , Canada , Kenya ,Danmarka iyo dalka Itoobiya, kulanka marka uu dhamaaday ayaa waxaa ay ka soo baxday warsaxaafadeed ka hoos ku qoran.

Warsaxaafeed—-:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra.iisul Wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin warbixin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Qaraxii 4ta October, Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP) iyo arrimaha badda.  

Golaha Wasiirada waxey maanta warbixin ka dhageysteen Ra’iisul Wasiiraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ee safarkii shaqo ee uu ku tagey Qaramada Midoobey, Mareykanka, Canada, Denmark iyo Ethiopia. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in safarkan uu ahaa mid guul iyo isafgarad ku soo dhamaaday oo caalamku ay aad ugu qanacsanaayeen horumarka dhanka amniga, gar-gaarka bani’aadanimo, xiriirka Dowladda Federalka iyo Maamulada dalka ka jira, dib-u-heshiisiinta iyo maamul wanaaga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in caalamku ay aad ugu soo gurmadeen arrimaha gar-gaarka bani’aadanimo, hase yeeshee uu caalamka kala soo hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa oo ummadda soomaaliyeed loo soo gaarsiin lahaa mashaariic horumarineed oo soo celiya adeegyadii bulshada iyo nolol maalmeedkii shacabka soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in loo baahanyahay in Roadmap kii 6da September ay Soomaalidu saxiixdeen la dhaqangeliyo.

Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada (NSSP), dood dheer ka dib waxaa la go’aamiyey in qabyo qoraalka lagu soo sameeyo saxitaan iyadoo la tixgalinayo macluumaadkii iyo fikradihii goobta laga soo jeediyey, isla markaana la soo ururiyo fikradaha Saraakiisha Soomaaliyeed, ka dibna wadatashi loogu gudbiyo ka soo qeybgalayaashii shirkii wadatashiga ahaa. Qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgeyada (NSSP) ayaa lagu soo celin doonaa golaha wasiirada si ay u ansixiyaan ka dibna loogu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Kalluumeysiga, Qeyraadka Badda iyo Bey’ada iyo qubaro Soomaaliyeed ayaa laga dhageystay warbixin la xiriirta arrimaha Badda. Dood dheer ka dib golaha Wasiiradu waxey go’aamiyeen in arrimaha badda sida EEZ laga saaro dhammaan dokumentiyada sida Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Nabadgelyada iyo Roadmapka.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay inay wadaan dadaalo ay kula xiriirayaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay, si warbixin dhameystiran ay ugu soo gudbiyaan golaha wasiirada, sheegayna in Dowladda Turkiga ayaa qaaday 36 ka mid ah dhaawacii. Wasiirku waxuu sheegay inay arrimahooda u marayaan heer wanaagsan una mahadceliyey shacabka soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey.

Golaha Wasiiradu waxey kaloo go’aamiyeen in 8dii wasaaradood ay dib u howlgalaan loona saaray guddi ka soo talo bixiya 3 maalmood gudahood, iyagoo sheegay inaysan Al-Shabaab marnaba laga aqbaleynin inay hakad geliyaan u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.        

– DHAMAAD –


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia 
& Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online