Golaha Wasiirada ee DFKM oo maanta ansixiyay qorshaha Xasilinta dalka

October 26, 2011 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ammaan ee dalka, Qorshaha Qaranka ee Amniga iyo Xasilinta, siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa, xaaladda bani’aadannimo iyo arrimaha gargaarka.

Golaha ayaa ugu horreynti waxa uu warbixinta amniga ka dhageystay guddiga amniga oo ka warbaxiyay halka ay joogaan ciidamada qalabka sida iyo xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa golaha uga warbaxiyay xaaladda ay ku sugan tahay ammaanka gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan waxa uu ka warbiyay afduubkii ka dhacay Gaalkacyo oo lagu afduubtay shaqaale u shaqeynayay Qaramada Midoobay sheegayna inay ku daba jiraan; sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa warbixin Golaha ka siiyay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya oo guulo la taaban karo kasoo hooyay dagaalka ay kula jiraan kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

Waxaa maanta si wadajir ah ay golaha u ansixiyeen qorshaha qaranka ee amniga iyo xasilinta dalka oo nuqulkii ugu danbeeyay la horkeenay golaha kadib markii lagu soo daray talooyinka gobollada iyo saraakiishii Soomaaliyeed, qorshaha ayaa ahaa qodob muhiim ah oo ka tirsan Roadmapka la filayo inay dawladdu fuliso sanadkan.

Golaha ayaa sidoo kale wuxuu ka dooday siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa isagoo isla gartay in lagu daro sharcigii No. 108 ee baarista musuqmaasuqa oo soo baxay 8-dii April 1968, iyadoo guddi wasiirro ah loo saaray si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan, golahana kusoo celshaan si loo ansixiyo.

Ugu danbeyntii, golaha ayaa ka dooday arrimaha gargaarka iyo caqabadaha ka haysta Hey’adaha gargaarka ka shaqeeya Airpor-ka iyo dekedda iyagoo faray in baaritaan lagu sameeyo warbixin faafaahsanna golaha lagu soo celiyo.

Garad Salad Hersi
Communication Director,
Office of the PM
DHAMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online