Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

October 11, 2011 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan iyo wafdi la socda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho  iyagoo safaro ku soo kala bixiyey wadamo ay ka mid yihiin Denmark , Kenya  iyo Maraykanka. Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa waxaaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde  ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DFKM Cabdiweli Muuday ,xilibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM
Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan oo la hadlay saxaafada markii uu ka soo degay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay dalka dibadiisa uu guul ku soo dhamaaday. Guddoomiyaha baar lamaanka DFKM Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta uu la kulmay dalalka uu soo maray uu uga waramay xaalada dalka Soomaaliya iyo in ay u baahan yihiin gargaar biniaadanimo iyo mid siyaasadeed.

Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha isagoo tacsi u diray dhamaan dadkii ay eheladooda ku dhinteen ama ku dhaawacmeen  qarax maalmo ka hor ruxay magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan ayaa xusay in uu soo dhaweynayo guulaha ay ciidanka DFKM iyo AMISOM ay gaareen

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online