Guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda rafcaanka gobolka Sool oo caawa la dilay

October 6, 2011 - Written by

Laascaanood:-Waxaa caawa  lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda rafcaanka ee gobolka Sool Axmed Muuse iyo nin loo badinayo in uu ahaa ilaaladiisa, koox dabley ah oo hubeysan ayaa rasaas huwiyey guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda rafcaanka gobolka Sool Axmed Muuse iyo nin la socday waxaan soo gaaray dhaawac culus.

 

Guddoomiye ku xigeenkii maxkamadda rafcaanka gobolka Sool Axmed Muuse ayaa isla caawa waxaa loola cararay Isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa halkaas oo dhaawacii soo gaaray uu u dhintay markii danbe  , goobta falka uu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidanka Booliska ee S/lland waxaan ay sameeyeen baaritaan.

Kooxda dableyda ah ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday marka weerarka ay fuliyeen , ma ah m,atrkii ugu horaysay ee magaalada Laascaanood lagu bartilmaamsado masuuliyiinta ka tirsan maamulka magaalada, dilka caawa ayaa ku soo beegmaya xili ay ciidanka Booliska  magaalada Laascaanood ay ka fuliyeen hoel gal lagu xiray dad deegaan ahaa ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,780 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>