Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand iyo wafdi la socda oo gaaray Gaalkacyo

October 16, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana socdaalkiisa ku weheliyey gudoomiyaha xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa laga xusi karaa masuuliinta ku weheliya socdaalkiisa  Wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta Cabdikhaliif Xaaji Xasan Ajaayo , Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha , Dhalinyarada , iyo Ciyaaraha Puntand Cabdiweli Xirisi Cabdulle (Indho guran) , Wasiirka hawlaha guud iy gaadiidka Eng. Daahir Xaakhi Khaliif , Taliyaha ciidamda Madaxtooyada Puntland G/lle sare Cumar Cabdilaahi Maxamed .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdigiisa ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay sii xoojiyaan heshiiskii dhexmaray beesha Leelkase iyo Puntland iyo in ay soo kormeeraan xaalada amniga ee magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliinta gobalka Mudug  iyo kan degmada waxaana ay ka wada hadli doonaan xaajinta amaanka magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online