Kal-fadhigii 27 aad ee Baarlaamka Puntland oo maanta furmay

October 31, 2011 - Written by

Garoowe:-Kalfadhigii 27-aad ee golaha  baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana ka soo qeyb galay kalfadhiga golaha baarlamaanka saaka xildhibaano gaaraya 51-xildhibaan .

Kalfadhiga  golaha baarlamaanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad  Faroole o khudbad dheer ka jeediyey Kalfadhiga baarlamaanka Puntland.

Ugu horayntii golaha baarlamaanka Puntland waxaa  furay  gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamuud Xirsi isaga oo sheegay in kalfadhiga looga hadli doono ansaxinta miisaniyada sanadka 2012 iyo warbaxin uu soo gudbin doono madaxweynaha Puntland.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa ka warbixiyey Shirkii ka dhacay dalka Britain oo ay Puntland ka qeyb gashay ee looga hadlayay falalka burcad badeedka,soo galitaanka ciidamada AMISOM ,Amaanka guud ee Puntland isaga oo dilalka qorsheysan dusha uga tuuray Al-Shabaab 

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

262,452 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>