Khudbadii Jimcihii shalay ee uu Shiikh C/raxmaan Sh Cumar uga hadlay in been abuur la faafiyo.(Dhagayso)

October 22, 2011 - Written by

Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo maanta khudbada ku soo qaatay been abuur la faafiyey iyadoo wajiyo badan oo kale gadisan la adeegsanayo, muslimiintana uga digay inay iska ilaaliyaan dadka ugu soo gabanaya siyaalaha kala duwan.Culimmada Masaaji dka Abubakar ayaa aad u ridiyey, been la abuubarayAsbuucaan oo kusaab sanayd shan qof oo San Deigo ku xiran in la kala saaray,oo gabadh dadkaas ka mid ahayd laga reebay liiska caawinta oo dadkaas lagu caawinayey sidii Qareeno u dooda loogu qaban lahaa. Sh. C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa aad u faah faahiyey safaro badan oo uu ku tegay gobolo ka mid ah Maraykanka oo ku saabsan sidii shantaas qof oo gabdhu ku jirto loo saacidi lahaa. Sh.C/raxmaan ayaa ka digay qol (tellaconference-ah) oo ka mid ah meelaha gabdhaha wax looga duubay iyo webka beenta faafiya, ku tilmaamay galidoodu inaysan banaanayn waa sida uu hadlka u dhigaye.

Hoos ka Dhagayso hadalka Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo faah faahsan

 

[audio:https://halgan.net/Mp3/iskailaalintabeenta.mp3]

Sidoo kale waxaa khudbada tacliiqiyey Sh. C/risaaq Xaashi oo kamid culimmada Masaajidka Abubakar, kana mid ah Culimmadii ku howlanayd dadkan xiran sidii loo saacidi lahaa. Shiikha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida Culimmada iyo Maraakista Majliska hoos yimaada ugu guradeen dadkaas xiran iyo dowrkay ka qaateen. iyo in ay tahay been abuur dadka culimmada magac xumaynaya oo waxaan jirin samaynaya. Ugu danbayntii labada Shiikh ayaa u duceeyey dadka xiran iyo kuwa maxkamadaha ku socdaan oo dhan.

Hoos ka Dhagayso hadalka Sh. Cabdirsaaq Xaashi  oo faah faahsan

 

[audio:https://halgan.net/Mp3/iskahubintabeenabuurka.mp3]

 Maamulaha Masaajidka Abuubarkar

As-Saddique Islamic Center

Xassan Dhooye

10 Comments so far

Leave a comment

  1. Wiilkii miyaa wali culimada Daba socda oo wax la sheegooda wada duf hake baxee ???????????

  2. Salaamu Calaykum
    aad baan ugu mahad celinayaa Halgan.net oo u taagan mar walba faafinta manhajka wasadka ah kuwa culumada caayaya iyaga dib naftooda ha u eegaan naftooda

  3. Maasha alaah ilaah ha idinka abaal mariyo diinta aad ugar gaar reysaan hilaah hanoo xifdiyo culumadeena cimrigodana ilaah hadhee reeyo kuwa diin iyo culumada laga kari la yahay haduu hanuun ladoo nay alaah ha hanuuniyo hadii kalana ilaah umada haka qabto

  4. scw.sh clraxmaan iyo markaska ilaahay hadhaawro nimankan yaryar eedhinacyacana waxaan leeyahay dacwadii muslimiinta soomaaliya ayaad burburiseene dacwada gaalada iyo muslimka qaxay lagaadhsiinayo miyaad usoo dhigahay ateen waxaan leeyadaahay mashruucyada sahyuuniyada qaaybkamida ayaad fulinaaysaan

  5. Ilaah ka cabsada oo culamada hilibkeeda ha layska daayo inta hilibka culumada la culanayo walaahi la’leebaanimayo.Cida hada ku taagan culumada oo footstepkeeda raac raac ilaah ayaa footstepkiisa raac raacaya. Cadaab ayaa u danbeeya iyo duli aduun iyo aakhiro. Ilaah waxaan ka baryeynaa in dadkaa ilaah soo hanuuniyo hadii uu hanuun la’maaagay. Intaas ayaan oran la’haa.

  6. Ascwrwb…
    marka hore waxan fican in wax la hubsado oo xaqiqda la fahmo iyado labada dhinacba la dhageysanayo oo eexashadana la iska ilaaliyo. iyado Alle laga baqayo, wa ina cadaalada an laga tagin waxa ad shegaysidna ka run sheegti li ana sheykh fulaan iyo fulaan akhiro qabri kulama galayan. naceybka ad qof uhaysidna yaan diinta loga bixin, adigon ogayn…Alle halaga cabsado oo cadalad hala falo. wa bilaahi tawfiq
    wsalaam

  7. Maashaa Allaah, waa gabay oo waa wax sheeg , oo waa digniin,,, oo waanasteexo,,,waa hadii uu jiro qof wax ku qaadan haya,,,ilaahay aan kacabsano oo xumaanta halaga xishoodo,,,,walaasheena ilaahay haka ajri siiyo,,jazaakalaahu khayran,,,, abdifataax

  8. maansha’alaah Haliima gabaygaan runta ayuu ka hadlayaaa waadna abaartay xaqiiqada

  9. gabaygaasi wuxuu kusocdaa nimanka caadeystey inay culumada hilibkooda cunaan oo beenta ka faafiyaan

  10. Nimankii durey iyo dureey diinta laga gaarey
    Kutubtii ay duubeen ragii dunida ay deeqday
    Nimankii kadoorbiday aduun diinta fidinteeda
    Dar ilaahey nimankaa socdee dunida meeraaya
    Wiilyohow dulminayaa magaran dawga aad marine

    Hadba dalandalkaygii horaan dib uxasuustaaye
    Diinli ida meeshaanku koray waa damqanayaaye
    Tawxiidka anigoo kadedan oo digriga qaada
    Oo dirica dumarkii xirteen dulicu uumuuqdo
    Nimankii daboolee gabdhaha diinta ugu yeeray
    Wiilyohow duminayaa magaran dowga aad marine

    Culumada ladaandaansadee duubka laga xooro
    Doqonyohow kajoog duul horaa loogu dowgalaye
    Daqdaq dada badanbaa ibliis kuu durbaan tumaye
    Dagaalkii ilaahey waryaan lagugu daaduumin

    Dadka kale hajoogeen inaad daba istaagtaaye
    Culimada waxaa kugu diree aad u degiweydey
    Waa daqay wareen kugu dhacoon daawo looheline
    Jahli nimuu kudaahoo hadana duudka kaciroobey
    Degdeg kama xishoodiyo inuu dacar walaaqdaaye

    Dadku waydagaalaan hadana dib uheshiiyaane
    Dow iyo xad baajira ninyohow aan ladaakhiline
    Dariiqyada marbaa laga durkaa meesha aa degine
    Dabka shidan hadii aadan damin waa ku dagantaaye
    Culimada ladoondoonto waa lagu duloobaaye

    Dabuubtaada iyo hadalka waa la isla doontaaye
    Durba lama yiraahdoo hadhow diiqalyaad geline
    Malaa igo ladoortaajiroon daalin weligoode
    Buugii lagaa daabacaa duudka kaasurane

    Danbaskiyo habaaskaad fadhido duul horaa maraye
    Dowdow cidlaa lama ordoo waad ku dagantaaye
    Daabaca war beenihi dhaqsuu kula dekaamaaye
    Adoon darajo dheer gaarin baad daal lasoo dhicine

    Waxaa taa kadaran deynta aan lagugu deyneyne
    Dadkaad caydayoo idil dacway soodalbanayaane
    Camalkaad ku daashaa markaas loodaldalayaaye
    Deeqinamayoo waa wax aan lagugu deyneyne

    Adigoo fiqiirnimo darted dalagsanoo liita
    Daalaadhacaagana indhaha daamur lagu saaray
    Jahanama dugaalkeedi bay derini kuutaale
    Waa meel ninkii daano galay lagu danbaysiine

    Duli iyo cadaab heedhe waa laga ducaystaaye
    Laguna deyn mayo malagu waa soo degdegayaaye
    Duufaan halaagiyo intaan dooni lagu saarin
    Naxashkii daboolaa intaan lagugu duuduubin
    Dib unoqo ilaah toobad buu kaa dalbanayaaye

Leave a comment

*