Koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland la wareegtay

October 14, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay ciidanka Puntland iyo maleeshiyo beeleed ku dagaalameen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo waloow ay isimada iyo waxgaradka Daarood  ay soo afjareen.manaasabad balaaran oo ka dhacday koontaroolka koonfureed ee magalada Gaalkacyo ayaa mamulka Gobolka Mudug lagu wareejiyay xarunta koontaroolka waxaana xaflada ka soo qeyb galay Masuuliin ka kala socda DFKM iyo Puntland waxaan sidoo kale goobta ka maqneyn culuma,udiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Leelkase.

Wareejinta  kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ay qaadeen Isimida iyo Waxagaradka Beesha Leelkase ayaa waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Siyaasiyiin iyo kooxo diidan nabada iyo horumarka gobalka Mudug  rabayna in ay ka faa,iideystaan khilaafka beesha iyo ciidanka  Puntland.  

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Leelkase ayaa sheegay in wareejinta kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo uu  qayb ka yahay heshiis toban qodob ka koobnaa oo ay dhowaan soo saareen Isimada Daarood oo ay wada qaateen Beesha Leelkase iyo Maamulka Puntland.

Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Mudug Cabdirashiid Cadceed Geelle (Dhaylo’aad) iyo taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta ee gobolka Mudug ayaa maanta goobjoog ka ahaa xaflada waxaana ay ugu baaqeen beelaha walaalaha ee degan Mudug in ay ku fara adeygaan nabadooda.

Gudoomiye xigeenka koowaad ee gobolka Mudug ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo .

Gudoomiye xigeenka Labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur-Yare ayaa isna sheegey in ciidanka Puntland qeybahooda kala duwan lagu daray  22-Askari oo ka mid aha  beesha leelkase ee ku sugnaa  kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo si loo fuliyo heshiiskii ay wada gaareen beesha Leelkase iyo Maamulka Puntland.

Maxamed M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online